Madaxa Maafiyada Talyaaniga oo lagu Xidhay Spain

0
674

Madax Maafiyo Talyaani ah oo tobanaan sano baxsad ku jiray ayaa la xidhay ka dib markii lagu arkay Khariidadaha Google-ka.

Gioacchino Gammino, 61, ayaa laga helay Galapagar, Spain, halkaas oo uu ku noolaa isaga oo la baxay magaca Manuel.

Muuqaalka sawir oo lagu arkay Google Street ayaa muujiyey nin u eeg Gammino oo taagan dukaan lagu iibiyo cuntada, taas ayaa sabab u noqotay in la soo helo, sidaan waxa sheegay baadhayaashu.

Gammino ayaa ka baxsaday xabsiga Rome 2002dii waxaana lagu xukumay xabsi daa’in sanadka soo socda dil.

Wuxuu xubin ka ahaa koox maafiyo ah oo Sicilian ah oo loo yaqaan Stidda wuxuuna ahaa mid ka mid ah burcadda loogu doonista badan yahay Talyaaniga.

Bilayska Sicilian ayaa rumaysnaa in Gammino uu joogo Spain, laakiin waa sawirka isaga oo nin kula hadlaya meel ka baxsan El Huerto de Manu, ama Beerta Manu, taas oo keentay baadhitaan degdeg ah.

Aqoonsigiisa ayaa la xaqiijiyay markii booliisku ay heleen bog Facebook ah oo ku yaal maqaayad hadda xidhan oo lagu magacaabo Cocina de Manu, taas oo ku taal meel u dhow. Waxay soo bandhigtay sawirada Gammino oo xidhan dharka kuugga waxaana lagu aqoonsaday nabar gadhka kaga yaal.

Makhaayadu waxay iibin jirtay cuntooyinka Sicilian, Gammino wuxuu ku lahaa buug.

Waxa la xidhay 17kii Disembar. Gammino waxa uu ku xidhan yahay Spain, booliiska Talyaaniguna waxa ay rajeynayaan in ay dib ugu soo celiyaan Talyaaniga dhamaadka Febraayo, Nicola Altiero, oo ah agaasime ku xigeenka qaybta booliska ee ka hortagga maafiyada Talyaaniga, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

 

Leave a Reply