Dadka dunida caanka ah ee aan Maydhan

0
500

Waxaa caadiyan laga fishaa dadka caanka ah iyo kuwa saamaynta ku dhex leh bulshada inay yihiin dad dhisan, oo muuqaalkoodu uu soo jiidasho leeyahay iyo qiima-gaar ah. Tallaabada ugu muhiimsan qofkaasi ayaa ka bilaabata nadaafaddiisa marka uu Maydhanayo oo uu jirkiisa mayrayo, ka hor inta aanu maanka gelin iscarfin, saliid marsasho, timaha oo la nafaqeeyo, kabaha oo la dhalaaliyo ama dharka oo la Kaawiyadeeyo.

Hasayeeshee dhammaan dadka caanka ah oo dhami ma wada ahan dad wada jecel Maydhashada iyo jirka oo la dhaqo. Indhaqabad ayey leeyihiin waana dharka ay xidhan yihiin, ama sida ay timaha u xiirtaan.

Dadkaas caanka ah waxa ay isugu jiraan jilaayaal, heesaa, orodyahanno iyo siyaasiyiin kuwaas oo si cad u qirtay in aanay maalin walba Maydhan ama Maydhan sababta oo ah qubayskoodu mid joogta ah maba aha.

Dadka caanka ah sida Zac Efron, Julia Roberts, Shia Labeouf, Kristen Stewart, John Depp iyoLeonardo Dicaprio ayaa ka mid ah liis aad layaabi kartid, hasayeeshee Maydhashada qofka iyo waxa uu sameeyo ma ahan wax isku xidhan, balse waxa uu jecelyahay iyo hab dhaqankiisa ayaa muhiim ah.

Qaar ayaa Maydha balse marwalba qasab ma ahan, oo haddii aanay waqti hayn waxa ay joogi karaan todobaad iyaga oon Maydhan. Waxaa laga yaabaa inaad is tidhaahdo malaha biyaha iyo saabuunta ayey yaraynayaan hasa yeeshee sidaasi waa sida Maydhashada ay ka aaminsan yihiin. Waxaa jira dad badan oo caan ah oo aanan ka helin Maydhashada oo ay ka midka yihiin:

1: Brad Pitt

William Bradley Pitt waa jilaa caan ah iyo filim soo saare u dhashay waddanka Maraykanka, waxa uuna leeyahay shirkadda ugu wayn ee soo saarta filimada ee Plan B Entertainment.

Brad Pitt waa mid ka mid ah dadka ugu caansan Maraykanka ee ay warbaahintu ku tilmaanto inuu yahay nin soo jiidasho leh oo dunida oo dhanna laga qadariyo.

Walow uu ninkan ku guulaystay abaalmarinnada sida Golden Globe, the Primetime Emmy iyo the British Academy Film, awoodna waxa uu u leeyahay inuu hago oo uu jilo filimaanta, ayaa haddana aanay isku wanaagsanayn Maydhashada “waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad is tirtid, anigu ma hayo waqti aan ku Maydho,” ayuu yidhi.

Jilaayaasha kale ee kula jiray filimka Inglourious Basterds, sida Eli Roth ayey mar Shakabakadda People waxa ay ka soo xigatay inuu lahaa aabahaas lixda carruurta ah dhalay uu siinayay talo adag oo ku saabsan sida ay isu nadiifiyaan marka ay aflaamta duubayaan.

Roth ayaa laf ahaantiisa qiraya inuu qaatay talada Pitt uuna bilaabay inuu isku nadiifiyo waxyaabaha carruurta lagu nadiifiyo gaar ahaan marka uu mashquulka yahay oo aanu maydhashada waqti u hayn.

2: Mila Kunis

Milena Markovna Kunis waa jilaa iyo soo saare, waxa ay jishay filimka Black Swan oo ay dunida magaca uga sameeyay kaas oo ay weliba ku heshay abaalmarinta Marcello Mastroianni Awar.

Gabadhan caanka ah ee aflaamta samaysa dhanka Maydhashada markii laga hadlo waa ay ka gaabsataa inay jawaab ka bixiso. Kaddib warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in aanay doonayn inay qubaysato ayaa Monica Padman daadihiyaha barnaamijka caanka ah ee Armchair Expert waxa ay waydiisay Kunis cidda bartay in aanay Maydhan waxaana ay ku jawaabtay, “Marka aanan haysan biyo kulul, xilligaas oo kale si joogta ah uma Maydho.”

Kunis waxa ay dhashay laba carruur ah Wyatt oo 6 sanno jir ah iyo Dimitri oo 4 sanno jir ah kuwaas oo dhaxlay qubays la’aanta oo si joogta ah uma qubaystaan.

3: Ashton Kutcher

XIGASHADA SAWIRKA, /TWITTER

Christopher Ashton Kutcher waa jilaa, filamada sameeya iyo ganacsadaba kaas oo maalgashaday in ka badan 60 shirkadood oo ku kala yaal daafaha dunida oo ay ku jiraan kuwo uu saamiga ugu badan leeyahay sida Skype Foursquare, Airbnb, Path iyo Fab.com iyada oo lacagtiisana lagu qiyaasay $220million.

Kutcher waxaa u dhaxda jilaaga Mila Kunis oo sida xaaskiisa oo kale ayaanu wax muhiimad ah u arkin in maalin walba la Maydho. Waxa uu caddeeyay in Maydhigu aanu ahayn wax lagu baashaalo mar uu wareysi siinayay barnaamijka Armchair Expert oo ay wada daadihiyaan Dax Shepard iyo Monica Poadman.

Kutcher waxa uu sheegay in maalin walba uu mayro qaybo ka mid ah jirkiisa kuwaas oo uu u arko inay urayaan sida kilkilaha, xubnaha saxarada iyo midda kaadida.

Kutcher waxa ay isaga, xaaskiisa Kunis iyo labadooda ilmood ee yaryar ee Wyatt iyo Dimitri uga dhigan tahay in aanay aaminsanayn Maydhashada.

4: Robert Pattinson

/TWITTER

Robert Douglas Thomas Pattinson waa jilaa u dhashay Ingiriiska oo mar jariidadda TIME ay ku soo dartay inuu ka mid yahay 100-ka qof ee ugu saamaynta badan dunida, sidoo kalana waxa uu ka mid yahay liiska 100-ka qof ee caanka ah ee qaniga ah ee ay daabacday wargeyska Forbes.

Filimada Twilight, Bravo Otto iyo The King ayuu ku soo caanbaxay kuna muujiyay awooddiisa jilaanimo.

Pattinson ayaa waxaa lagu qiyaasaa inuu haysto hanti dhan $100 milyan.

Walow sidaas oo dhan uu dhaqaale u haysto Pattinson ayaa Maydhashada si kale u arka oo waxa uu ka mid ah liiska dadka caanka ah ee aanan danta ka lahayn Maydhashada.

Walow uu qiray in madaxa oo la dhaqo aanu wax wayn u arkayn haddana odhaahdiisu waxa ay u muuqataa in aanu wax dan ah ka lahayn Maydhashada.

5: Naya RiveraA Y IMAGES

Naya Marie Rivera waa jilaa Ameerikaan ah, heesaa iyo model. Naya waxa ay si fiican u jishay Glee drama. Abaalmarinno badan ayey ku guulaysatay oo ay ku jiraan laba Grammy ah, SAG, ALMA halka ay qeybaha dambe soo gashay tartanka Brit.

Waa mid ka mid ah jilaayaasha ugu quruxda badan hasa yeeshee ma jecla Maydhashada. Waxaa ay dhimatay 8-dii July 2020 hasa yeeshee intii ay noolayd ayaa waxaa laga soo xigtay oo lagu shaaciyay taleefinka The View iyada oo leh maalin walba ma Maydho, oo waxaan Maydhaa bay tidhi markii ay lagama maarmaan tahay.

“Aragti goonni ah ayaan ka haystaa Maydhashada oo waxaan u arkaa in dadka cadcad ay Maydhaan wax ka badan dadka kale. Waxay ila tahay in la Maydho hal mar wax ka badan ama maalin walba inay tahay wax ay sameeyaan dadka Cad,” Rivera ayaa laga soo xigtay inay tidhi.

Leave a Reply