Askarta Guatemala oo lagu qaadayo dacwad kufsi ah 40 sano ka hor

0
552

Maxkamadeyn ayaa ka bilaabatay Guatemala laguqaadayo shan askari oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada milatariga oo lagu eedeeyay in ay kufsadeen 36 dumar ah oo ka soo jeeda qoomiyada Mayan ee asaliga ah sanadihii 1980-meeyadii.

Xadgudubkan ayaa lagu eedeeyay in ay galeen muddo shan sano laga joogo oo uu socday dagaalkii sokeeye oo u dhaxeeyay dowladdii militariga iyo jabhadaha garabka bidix.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in dhibanayaasha noloshoodu ay burburtay, isla markaana mid ka mid ahayd gabadh jirtay 12 sano oo kaliya markii uu u bilaabmay xadgudubku.

Shanta nin ee lagu eedeeyay kufsiga ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay.

Waxay hore uga tirsanaayeen Ilaalada Is-difaaca Madaniga ah ee Guatemala (PAC), oo ahayd maleeshiyaad maxalli ah oo lagu eedeeyay gabood-fallo badan intii lagu jiray dagaalkii 1960-1996.

Dumarka dhibaneyaasha ah ayaa dhageysiga dacwadaha ka qayb gelaya xabsiga, waxaana ay kaga qayb geli doonaan muuqaalo lagaga soo duubay xabsiga, halkaas oo ay ku sugnaan doonaan inta go’aan laga soo saarayo dacwadooda.

Dadka asaliga ah ayaa inta badan waxaa bartilmaameed u ahaa dowladda militariga, iyada oo ku eedeysay inay taageerayeen fallaagada.

Kufsiga ayaa lagu eedeeyay ayaa ka dhacay agagaarka Rabinal, oo ah magaalo yar oo ku taal deegaanka Baja Verapaz ee waqooyiga caasimadda, Guatemala City.

Goobtan ayaa si aad ah loo beegsaday intii uu dagaalku socday, waana goob ay ku yaallaan xabaal wadareedyo iyo meydadka in ka badan 3,000 oo qof.

Inta badan aqoonsiga haweenka ayaa loo qariyaa ammaankooda, sida ay sheegtay qareenkooda Lucia Xiloj.

Kaliya shan ka mid ah 36 dhibanayaasha ayaa doortay inay si shaqsi ah uga qaybgalaan dhageysiga maxkamadda maalinta koowaad.

Ms Xiloj waxay sheegtay in haween badan oo Mayan ah “la kufsaday ka dib markii laga kexeeyey ragoodii oo la waayay” ayna dileen ama ay ka baxsadeen dableyda iyo askarta.

Bustayaal iyo ubaxyo ayaa la dhigay bannaanka maxkamadda si ay u muujiyaan garab istaagga haweenka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Tani maaha tijaabadii ugu horeysay ee nooceeda ah oo ka dhacda Guatemala.

Sannadkii 2016-kii, laba xubnood oo hore uga tirsanaan jiray milatariga ayaa lagu xukumay isku darka 360 sano oo xadhig ah, kuwaas oo lagu helay dambi ah dil, kufsi iyo adoonsi galmo oo lagula kacay haweenka asaliga ah.

Qiyaastii 200,000 oo qof ayaa la dilay ama la waayay intii lagu jiray iska horimaadka Guatemala ee 36 sano jirsaday.

Leave a Reply