Fikirka Guusha Iyo Wakhtiga Adag

0
329

Walt Disney  wuxu ahaa ganacsade iyo filim soo saare Maraykan ah oo ku dhashay sanadkii 1901 Chicago, waxaana uu ka shaqayn jiray wargeysa dalkaasi ka soo baxa. Agaasimaha wargeyska ayaa shaqada ka eryay isagoo sheegay in aanu lahayn curinta fikrado cusub oo lagu horumarin karo wargeyska iyo sheekooyinka mala awaalka ah oo xiiso leh.

Laakiin Mr.Walt markii taasi ku dhacday muu noqon mid niyad jabay oo quustay waxaana uu goostay inuu noqdo qof leh hal abuurka curinta qisaska iyo sheekooyinka khayaaliga ah ee filimada laga sameeyo inkasta oo uu marar badan haddana ku fashilmay .

Laakiin  Mr.Walt ugu danabaystii wuxu sameeyay sheekadii uu ku caan baxay ee filimka laga sameeyay ee lagu magacaabi jiray “Barafka Cad “ Snow White” .

Maanta Mr.Walt isagoo dhintay sanadkii 1966 haddana shirkaddiisa  Walt Disney Company waa tan  dunida ugu horaysa curinta iyo hal abuurka sheekooyinka khayaaliga ah ee la xiiseeyo filimadana laga sameeyo dunida oo dhan.

Qofka aadmigu ma jirto waxaanu samayn Karin keliya waa dadaal iyo in aanu niyad jabin marka uu ku fashilmo.  Xikmaduna waa “ Yaanay ka lumin Rajada gaadhida guusha”.

Leave a Reply