Masuuliyiin iska casilay Xisbiga WADDANI

0
703
Laba masuul oo xilal sare ka hayey Xisbiga WADDANI, ayaa shaaciyey inay gabi ahaanba ka baxeen kamid ahaanshiyihii Xisbigaas.
xoghayaha qorsheynta ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Bashiir Cabdi Xariir oo ah siyaasi horena xil wasiirnimo u soo qabtay,ayaa sheegay inuu iska-casilay xilkii uu ka hayey xisbigaasi Sabtida.
Bashiir ayaa ka tagistiisa xisbiga ku sabbabeeyay in ay qayb ka tahay safarka ay masuuliyiinta xisbiga WADDANI, ku tageen gobolka Togdheer.
Waxaanu yidhi”Wax shaqo ah oo aan xisbiga WADDANI, ka hayay waxa iigu danbeeyay xoghayihii qorsheynta, oo aanan muddooyinka danbe ku shaqeyn saluug badan oo jiray darteed”
Bashiir oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray”Safarka xisbiga aan ka tirsanaan jiray uu ku tagay gobolka Togdheer, oo aan aad u saluugay.
Xisbigu dadka waxa uu dib ugu celiyay qoys qoys, qayb qaybin, boqol meel lagula qadeeyo”
Sidoo kale waxa maanta go’aan iscasilaad ah oo xisbigaasi uu kaga tegay ku dhawaaqay xoghayihii xuquuqal-iinsaanka iyo Hay’addaha aan dawliga ahayn Mr. Bootaan.
Waxa uu sheegay in xisbiga WADDANI ka leexday dhabihii heshiis-wadareedka ku dhisnaa ee mabaadi’da xisbiga.

Leave a Reply