Horyaalka Horyaallada: Waxool Hargeysa oo Noqotay Naadigii u Dambeeyey ee iska Xaadiriya 4 Dhamaadka Tartanka

0
588

Tartanka horyaalka horyaallada Somaliland oo ka socda xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, gaar ahaan garoonka Cabdalle Staduim, ayaa shalay waxa soo idlaaday wareegga siddeed-dhamaadka, isla markaana waxa u soo baxay wareegga afar-dhamaadka ee tartanka horyaalka horyaallada kooxaha dawladda hoose ee Hargeysa, Kooxda Goodir Hargeysa, dawladda hoose ee Ceerigaabo iyo Waxool Hargeysa oo shalay ku ruqaansatay wareegga semi-final-ka.

Tartankan ayaa intii uu socday waxa uu ahaa mid aad u xiiso badan oo raaligeliyay guud ahaan dadkii ka qayb galay ee tagayay garoonka iyo bulshadii kala duwan ee ku noolayd gobollada ee ka dheehanayay muuq-baahiyeyaasha kala duwan ee laga soo daynayay ciyaaraha.

Kooxaha Waxool Hargeysa iyo Gaashaan Sool oo shalay ciyaar adag oo ka mid ahayd siddeed-dhamaadka tartanka horyaalka horyaallada Somaliland ayay labadii qaybood ee ciyaartaba labada naadi isla dhaafi waayeen 1-1 ay ku dhamaysteen sagaashankii daqiiqo ee ciyaartu socotay.

Waxaana loo dhigay gool ku laad ay labada kooxood ku kala baxeen, waxaanay guushu ku raacday oo u gudubtay wareegga afar-dhamaadka tartanka kooxda Waxool Hargeysa.

Dhawaan waxa la soo saari doonaa isku aadka afar-dhamaadka tartanka horyaalka horyaallada Somaliland ee ka socda xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.

Leave a Reply