Bruno Fernandes oo ka Hadlay Wararka la Xidhiidhinaya Barcelona

0
359

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Manchester United Bruno Fernandes ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu ku biirayo Barcelona xagaaga.

27-sano jirkaan ayaa mar kale muhiim ka noqday Man United xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 5 gool iyo 9 caawin 24 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee waxa dhawaan soo baxay warar sheegaya in uu Fernandes ka niyad jabsanyahay Man United waliba doonayo in uu isaga tago kooxda suuqa xagaaga.

Wakiilka xiddiga reer Portugal ee Mendes ayaa la sheegay in uu la xidhiidhay Barcelona isla markaas u soo bandhigay saxiixiisa kooxda reer Spian.

Si kastaba ha ahaatee, Fernandes ayaa meesha ka saaray wararkaas isaga oo ku sifeeyay “Saxafi xumo”.

“Waxaan u malaynayay in aan is badalnay laakiin wali waxa jira saxafi xumo”ayuu Fernandes sii raaciyay.

Leave a Reply