Muhimadda Dareenka Naxariista !

0
689

Mareegta lagu magacaabo “MMT” ee qoraalka sheekooyinka kooban ay ku soo bandhigaan Mr.Mark iyo Angel ayaa sheekadan lagu soo bandhigay :

“ Markii maanta aan doonayay inaan ku noqdo gurigayga waxaa soo da’ay roob weyn, laakiin waxaan la kulmay nin da’ ah oo sita dalaayad weyn, waxaana aanu noqonay isku jiho anagoo waddo isku mid ahna wada qaadnay, Dalaayadii ayuu iigu yeedhay inaan roobka  ka wada galno, aniguna waan aqbalay.

 

Markiii aanu meel dhexe marayno ayuu dalaayadii laalaabay, markaasi ayuu igu yidhi “ Aniga waan kan gurigaygii waana aan kaa baydhayaa” , waxaan daremay niyad xumo madaama uu weli roobku da’ayo,  laakiin isla markiba waxa uu igu yidhi : ” Hoo qaado adigu aniga gurigaygan ayaan gelayaa, hadda baahi iima hayso aniga, waxaana u laalaabay si aad u aragto, qaabkeeda haddana kala furato, oo aanay ku dhiibin”. Waxaan ugu jawaabay “ Mahadsanid” . Waxa qofka kasta u wanaagsan in uu dareenkiisa naxariista ka shaqaysiiyo wakhtiyada loo baahan yahay.  Haddii uu qalbiga qofku dhinto waxa ka tagta naxariista, haddii uu calqigiisu dhintona waxa ka guurta xikmadda, haddii uu damiirkiisu dhinto waxa uu waaya wax kasta.

 

Leave a Reply