Sanad ka dib Qas-wadayaashii Aqalka Congresska Maxay waajaheen

0
244

Muddo sanad ah ayaa ka soo wareegtay 6dii Jannaayo, 2021, markii  dadka  Maraykanka ay ka naxeen sawirro ka imaanayay Aqalka Maraykanka ee Capitol.

Sawirada – kuwaas oo intooda badan ay soo tebiyeen sawir qaadayaasha wakaalada wararka waxa sameeyey dad diidanaa  guushii doorashada eeJoe Biden – waxay soo bandhigayeen dad qabsaday xafiisyada dawladda, oo dhex wareegaya aqalka Senate-ka, isla markaana weeraraya saraakiisha booliiska.

Toddobaadyadii iyo bilihii xigayba rabshaduhu way sii socdeen. Ilaa hadda, in ka badan 725 ayaa lagu xidhay ku dhawaad ​​gobol kasta oo Maraykanka ah iyo Washington DC. In ka badan 30 qof ayaa ilaa hadda lagu xukumay xabsiyo, iyada oo saraakiisha Maraykanka ay wacad ku mareen in mustaqbalka ay suurtagal tahay in dacwado kale lagu soo oogo.

Baadhayaasha ayaa raadinaya caawimaad dadweyne si loo ogaado 350 rabshado, oo ay ku jiraan 250 looga shakisan yahay inay weerareen askar bilays ah.

Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa shan ka mid ah sawiradii ugu caansanaa ee rabshada waday iyo waxa ku dhacay ilaa 6 January.

Jacob Chansley, 34 – QAnon ‘Shaman’

Sawirada aadka loo wadaagay waxaa ka mid ah Jacob Anthony Chansley, oo 34 jir ah oo isku magacaabay “QAnon Shaman”. Taageere aad u wayn oo Trump ka tirsan, Chansley ayaa la sawiray isaga oo xidhan geeso iyo maro maqaar ah intii ay rabshaduhu socdeen, isaga oo si degdeg ah u noqday mid ka mid ah shakhsiyaadka sida weyn loogu aqoonsan karo rabshadihii.

Chansley ayaa la xidhay maalmo uun ka dib rabshada. Bishii Nofembar, waxaa lagu xukumay 41 bilood oo xabsi ah ku lug lahaanshihiisa, marka lagu daro 36 bilood oo sii deyn ah oo kormeer ah. Maxkamadda, Chansley waxa uu ka sheegay in uu hadda rumaysan yahay in ay “khalad ahayd” in la galo Capitol iyo in uu rajaynayo “in uu horumar sameeyo”.

Xukunkiisu waa mid ka mid ah kuwii ugu dheeraa ee ilaa hadda lagu xukumay rabshadihii 6-dii January.

Adam Johnson, 36 – “Podium Guy”

Rabshade wade kale, oo 36 jir ah oo degan Florida, Adam Johnson, ayaa si caan ah loo sawiray isaga oo dhex lugeynaya Aqalka – oo xidhan maro Trump – wuxuu dhex luganayey  Capitol. Waxa uu sitay Miiskii iyo Mikrifoonadii Gabadha  afhayeenka aqalka Congress-ka Nancy Pelosi.

Johnson, oo dadka isticmaala baraha bulshada ay ugu yeedheen “Podium Guy” ayaa lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay, anshax xumo iyo xatooyo hanti dowladeed maalmo yar ka dib.

Bishii Nofembar, Johnson waxa uu qirtay dambiga ah in uu galay oo uu ku sii jiro dhisme xaddidan oo hadda waxa uu wajahayaa ilaa lix bilood oo xadhig ah iyo ilaa $9,500 (£7,020) oo ganaax ah. Eedeymaha kale waxaa meesha ka saaray dacwad oogayaasha si uu u qirto dambiga uu galay.

Dhinaca kale, Johnson – oo doonaya inuu qoro buug – wuxuu sheegay in dhaqaalaha ka soo baxa uu ku wareejiyo dawladda muddo shan sano ah.

Richard Barnett, 61

Mid ka mid ah taageerayaasha Trump, Richard Barnett, ayaa la sawiray, isaga oo fadhiya xafiiska Afhayeenka Aqalka oo weliba Lugta dulsaaray miis ku yaal xafiiska afhayeenka aqalka Congress-ka Nancy Pelosi.

Sawirka Mr Barnett – oo ku labisan koofiyadda baseball-ka iyo Jaakad ayaa noqday mid sawirrada sida weyn ugu caan baxay rabshadihii.

Mr Barnett ayaa hadda wajahaya eedeymo badan oo la xidhiidha rabshadaha, oo ay ku jiraan is-hortaagga dacwad rasmi ah, inuu dhismo xaddidan ku galay hub dilaa ah ama halis ah iyo dhaqan xumo.

Hadda waxa uu ku xidhan yahay jeelka Washington DC oo uu sugayo maxkamad, waxaana loo qorsheeyay in uu horyimaado garsooraha 1-da February. Waxa uu diiday dhammaan eedaha lagu soo eedeeyay.

Kevin Seefried, 52

Rabshad wadaha afaraad, Kevin Seefried, ayaa la sawiray isaga oo sita calankii dagaalkii Confederate ee gobolka Maraykanka dhex maray. Wuxuu dhex marayay hoolalka u dhow albaabka laga galo Senate-ka, isaga oo laan a kulmay wax iska caabin ah.

Mr Seefried iyo wiilkiisa, Hunter, ayaa la xidhay toddobaad ka dib rabshadaha, waxaana lagu soo oogay dacwado badan, oo ay ku jiraan rabshado iyo dhaqan xumo ka dhacday guriga Capitol. Wuu diiday dhammaan eedaymaha wuxuu sugayaa maxkamadaynta xeerbeegtida.

Aaron Mostofsky, 35

Wiil uu dhalay xaakim caan ah oo siyaasad ahaan ku xidhan New York City, Aaron Mostofsky ayaa si caan ah loo sawiray isaga oo xidhan maryo dhogor ka samaysan sida “caveman” oo haysta gaashaanka rabshadaha booliiska iyo ul alwaax ah, kuna jira gudaha Capitol-ka Maraykanka intii lagu jiray 6-dii January rabshadihii.

Wuxuu u sheegay New York Post inuu dareemayo in taageerayaasha madaxweyne Trump “lagu khiyaameeyay” doorashada.

“Uma malaynayo in 75 milyan oo qof ay u codeeyeen Trump – waxaan u malaynayaa inay u codeeyeen ku dhowdahay 85 milyan,” ayuu u sheegay wargeyska. “Waxaan u malaynayaa in gobollo gaar ah oo muddo dheer casaanka ahaa ay noqdeen buluug oo la xaday, sida New York.”

Mr Mostofsky ayaa lagu xidhay New York lix maalmood ka dib rabshada, waxaana lagu soo oogay dambiyo badan, oo ay ku jiraan xatooyo hanti dowladeed, weerar uu ku qaaday ama uu horjoogsaday saraakiisha iyo dhaqan xumo.

Waxa uu diiday dhammaan eedeymaha lagu soo oogay, waxaana loo ballansan yahay in uu horyimaado maxkamadda dacwad xeerbeegti ah 24ka January.

Leave a Reply