Xiddigaha Shidi Doona Koobka Qaramada Afrika ee Dunida Jeclaysiinaya

0
361

Koobka qaramada Afrika ayaa shalay ka bilaabmay waddanka Cameroon halkaas oo ay ku sugan yihiin dhamaan 24ka dal ee ka qayb-gelaya tartankan.

Xiddigo waaweyn oo ka ciyaara qaaradda Yurub ayaa ka qayb-gelaya waddankan, kuwaas oo qaarkood ay xataa ku tartamayaann xiddiga sannadka ee FIFA The Best, waana Mohamed Salah oo ka mid ah saddexda laacib ee abaal-marintaas ku kala baxaya, isaga oo kula loollamaya Lionel Messi iyo Robert Lewandowski.

Hakim Ziyech, Sadio Mane iyo kuwo kale oo dunida wacdaro ka dhiga ayaa iyaguna ku jira tartanka sannadkan.

Halyeygii Cameroon ee Geremi ayaa waxyar ka hor inta aanu bilaabmin tartanku waxa uu daraasad ku sameeyey ciyaartoyda sannadkan ka qayb-gelaya AFCON, waxaana uu soo xulay xiddigaha shidan doona muddada bisha ah ee uu tartanku socon doono.

Ciyaartoydan ayaa intooda badan ka dheela qaaradda Yurub, waxaanay kala yihiin:

  1. Sebastian Haller (Ivory Coast): Dad badan ayaa indhaha ku haya gool-dhaliyahan wacdaraha ka dhigay Champions League xilli ciyaareedkan. January 2021 ayuu ka tegay West Ham oo uu u wareegay Ajax, waana 27 jir dhaliyey 10 gool oo Champions League ah wareeggii group-yada, waxaanu ku darsaday lix kale oo uu caawiye ka noqday.

Kooxo ay ka mid tahay Manchester United ayaa lala xidhiidhinayaa inay raadinayaan laacibkan shabaqa saaxiibka la ah.

  1. Ismaila Sarr (Senegal): Garabkan weerarka ayaa uu tartanku bilaabmayaa isaga oo aan si fiican uga soo kabanin dhaawac bishii November soo gaadhay. Haddii uu hore taam ugu soo noqdo, waxa uu heli doonaa fursad uu ku caawiyo Sadio Mane oo uu midkoodba dhinaca kasoo galo xerada ganaax.
  2. Mohamed Elneny (Egypt):Arsenal ayuu inta badan kaydka ugu jiraa, laakiin marka  uu xulka qarankiisa u ciyaarayo waa rukun adag oo aan la dhaafin, sababta caawinaysaana waa kalsoonida uu ku qabo tababarihiisu.
  3. Franck Kessie (Ivory Coast):Khadka dhexe ee AC Milan ayaa ka hor inta aanu tartanku bilaabmin waxa si dhow ula socday kooxaha waaweyn ee Yurub oo doonaya inay si bilaash ah kula wareegaan maadaama uu qandaraaskiisa San Siro Stadium ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa la sheegay inay wada-hadallo la yeelatay toddobaadkan, waxaase kula tartamaya Liverpool iyo Tottenham.

  1. Islam Slimani (Algeria)
  2. Karl Toko Ekambi (Cameroon)
  3. Kamaldeen Sulemana (Ghana)

Leave a Reply