Pogba oo Doortay Saddex Kooxood oo uu ku Biiri Doono Marka uu ka Tago Man United

0
593

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa inuu doortay kaliya saddex kooxood oo uu ku biiri doono marka uu ka tago Man United.

Xiddiga reer France ayaa galaya lixdii bilood ee ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Man United waxana uu xor u yahay in uu wada-hadalo la galo kooxaha ka baxsan England.

Mustaqbalka Pogba ayaa la sheegayaa in aan la go’aamin doonin ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin waxa la hubaa in uu isaga tagi doono kooxda xagaaga.

Sida laga soo xigtay Mirror, Pogba ayaa doonaya inuu midkood ku biiro kooxaha PSG, Real Madrid ama Juventus suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer France ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha kor ku xusan bilihii ugu dambeeyay iyada oo kooxahaas xiiso dhab ah u muujiyeen saxeexiisa.

Leave a Reply