Agaasime Xergeeye oo Kormeeray Cilaajyada iyo Cisbitaalada Xannuunka dhimirka Hargeysa

0
347

Hargeysa(Dawan):-Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xargeeye
ayaa shalay kormeer ku soo maray  Cisbitaalada iyo Cilaajyada Lagu daweeyo dadka qaba Xanuunka dhimirka ee Magaalada Hargeysa.

Dr Maxamed Cabdi Xargeeye oo Warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in u jeedada kormeerkaasi ay ahayd sidii ay xogogaal ugu noqon lahaayeen Xaaladda iyo duruufaha ay ku sugan yihiin dadka qaba Xanuunka dhimirka,waxaanu intaa ku daray in ay ka go,antahay sidii wax looga qaban lahaa.

Xargeeye  oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aanu kormeer ku soo marnay Maanta (shalay) meelaha Cilaajyada iyo Cisbitaalada lagu dabiibo dadka Xanuunsanaya ee qaba Xannuunka dhimirka ee Magaalada Hargeysa,waxaanay ujeedadayadu ahayd sidii Wasaaraddu xogogaal ugu noqon la hayd Xaaladda ay ku sugan yihiin dadkaa xanuunsanaya ee Xanuunka dhimirka qaba oo xaalado iyo duruufo kala duwan ku sugan,”.

Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka oo hadal kiisa sii wata waxa uu yidhi”Waxaana Wasaarada Caafimaadka ku jirtaa  Mashruuc kor loogu qaadayo Daryeelka iyo dhawaygnta dadka xanuunsanaya ee Xanuunka Dhimirka ee dalka dhan.markaa waxa aanu doonaynay si aanu qorshahaha Sannadkan ugu darno oo aanu soo eegno goobahaa kala duwan ee lagu dabiibo dadka qaba Xanuunka dhimirka ee Cilaajyada ay ka mid yihiin,sidii Wasaarada ugu fidin la hayd tababar iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Shaqaalaha jooga goobahaas,waxaana Wasaarada heegan ugu jirtaa sidii  ay wax uga qaban la hayd xanuunada Maanta waxaana ay wax ka qabatay Cisbitaalka dhimirka ee Hargeysa iyo Cisbitaalada dalka waxaana loo iibiyay gaadiid,”.

Leave a Reply