Wasiir Farriid oo ka Jawaabay Hadal ka soo Yeeshay Musharax Cirro

0
332

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Cabdiqani Maxamud Caateeye (Farriid), ayaa jawaab ka bixiyey hadallo ka soo yeedhay hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, xilli uu ka hadlayey munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa habeenkii Salaasada, taasoo lagu abaal-marinayey xubno kamid ah shaqaalaha wasaaraddaasi.

Wasiir Cabdiqani, ayaa deelqaaf iyo hadal aan qaranka u cuntamin ku tilmaamay kelmado ka soo yeedhay Murrashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, kaasoo uu ku sheegay inay ka turjumayo qorshe xaalad nabad-gelyo darro lagu abuurayo.

Waxa uu intaa ku daray in aan qofna sharciga ka baxsan karin, haddii uu ka hor-yimaado, mutaysanna doono ciqaabta falka kasta oo uu sameeyo.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayna wuxuu yidhi “Falcelinta asxaabtu ka samaynayso doodda xeerka furida ururrada waxa ka muuqda hanjaabado fara badan. dalku wuxuu soo maray marxalado kala duwan, wuxuu soo maray marxalad tan ka adag.

Hadal anigu aan liqi waayay oo waxaa jira aan rabo in aan ka jawaabo. guddoomiyihii hore ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro wuxuu yidhi “wax kasta amma qiimo kasta oo ay ku kacayso”micnaha hadalkaa waxa ka muuqda oo micnaheedu noqonayaa in ay dalka fawdo gelinayaan”

Wasiirku wuxuu wacad ku maray in aan cidna laga aqbali karin inay dafirto jiritaanka hay’addaha dastuuriga ah, kuna kalsoonaan waydo “sidaas awgeed anigu ka wasiir gaashaan-dhig ahaan waxaan leenahay cid alla cidii ku kalsoonaan wayda Hay’addaha dastuuriga ah jiritaankooda iyo  go’aankooda waxay mutaysan doontaa sharciga oo ay is hortaagi doontaa. waxaana shaqayn doonta sharciga iyo kala dambeynta dalka oo waajib naga saaran yahay. waxaana haddii ay timaado aanu ku khasbanaan doonaa in aanu fulino wax kasta oo ay ku kacayso sugida amniga dalku”

Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni oo isugu munaasibada ka hadlay, ayaa sheegay inay furida ururrada Siyaasaddu tahay xuquuq dastuuri ah oo aanu Kulmiye ka labalabanayn doonin marka la gaadho xilligooda.

Leave a Reply