Ciyaartoyga ugu Da’da weyn Kubadda Cagta oo Heshiis Cusub Saxeexay

0
304

Kazuyoshi Miura oo ah ciyaartoyga ugu da’da weyn ee ciyaara kubadda cagta ayaa sii wadanaya sannad kale oo uu kusii jiri doono garoomada, kaddib markii uu qalinka ku duugay qandaraas cusub.

Miura oo ay da’diisu noqonayso 55 jir bisha February ee foodda innagu soo haysa ayaa waxa uu muujinayaa in da’du ay tahay kaliya tiro, iyadoo uu qalinka  ku duugay heshiis cusub oo sannad soconaya oo uu ugu ciyaari doono kooxda Suzuka Point Getters oo uu tababare ka yahay walaalkii ka weyn oo lagu magacaabo Yasutoshi.

War-saxaafadeed ay soo saartay Suzuka Point Getters, ayaa waxay ku sheegtay, in Kazuyoshi Miura uu ugu soo biiray sannad amaah ah oo ay kaga soo qaateen Yokohama FC.

Xilli ciyaareedkii tegay ayaa uu Kazuyoshi Miura hal daqiiqo oo kaliya u ciyaaray naadigiisa oo u dhaadhacday heerka labaad oo ay hadda u dagaallamayso sidii ay dib ugu soo noqon lahayd horyaalka heerka koowaad.

Bishii March ayuu beddel kusoo galay ciyaarta oo sii dhamaanaysa kulan u dhexeeyey Yokohama FC iyo Urawa Reds, iyadoo ay xilligaas da’diisu ahayd 54 sannadood iyo 12 maalmood, waxaana uu kulankaas ku noqday ciyaartoyga abid ugu da’da weynaa ee abid garoomada lagu arko, waxaana uu galay buugga dhacdooyinka dunida ee ‘Genius World Records”.

Kazuyoshi Miura waxa uu ciyaaraha bilaabay sannadkii 1986kii xilligaas oo uu Lionel Richie ahaa ciyaartoyga ugu da’da weyn ee kubadda ciyaaray isla markaana 50 jir kusoo gaadhay.

Waxa uu dhashay sannadkii 1967kii, waxaanu saddex sannadood ka weyn yahay kooxda Paris Saint-Germain ee ka dhisan waddanka Faransiiska, halka ay isku da’ yihiin Jurgen Klopp.

 

Leave a Reply