Kooxda Arsenal oo loo sheegay qiimaha ay ku heli karo Dusan Vlahovic

0
328

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa loo sheegay qiimaha ay ku heli karto xiddiga naadiga Fiorentina ee Dusan Vlahovic.

Gunners waxaa waajib ku ah inay bixiso 150 milyan oo gini si ay gacanta ugu soo dhigto Vlahovic, sida uu warinayo Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska.

Weeraryahankan ayaa doonaya mushahar dhan saddex boqol oo kun oo gini (£300,000) todobaadkii, laakiin Arsenal ayaa la sheegayaa inay go’aansatay inay soo iibsato.

Arsenal ayaa go’aansatay inay la soo wareegto xiddiga Fiorentina ee Dusan Vlahovic, inkastoo ay wajaheyso qiimaha suuqa kala iibsiga oo ku kacaya 150 milyan oo gini.

Wargeyska Daily Mail ayaa warinaya in marka loo eego 58-ka milyan ee gini oo ay Fiorentina ku dalbaneyso xiddigooda, mushaarkiisa uu Gunners ku qaadan doono ee 300,000 oo gini shanta sano ee soo socota iyo kooxdiisa maamulka oo heli kara 15 milyan oo gini ay xaaladda ku adkaynayso Arsenal oo ay ka go’an tahay inay gacanta ku soo dhigaan weeraryahanka

Leave a Reply