“Dawladda waan uga Mahadnaqayna in Ceelka Biyaha laga Hirgeliyo Caynaba” Xildhibaan Musfate

0
549

Hargeysa-(Dawan):-Guddoomiyaha Guddida Illaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Xildhibaan Mustafe Khayre ayaa xukuumadda ku bogaadiyey ceelka biyaha ee laga hirgelinaayo degmada Caynaba.

 

Xildhibaan Musfate ayaa sheegay in bulshada gobolkaasi ay u baahan yihiin la gaadhsiiyo adeegyadda iyo horumarka dalka ka socda, waxana uu yidhi  “dawladda waan uga mahanaqaynaa in ceelka biyaha laga hirgeliyo Caynaba, waxa uu ahaa xaq ay umaddaasi lahayd, qaranka ayey ka mid ahayeen oo cashuur bixiyayaal ayey ahayeen.

 

dhulkaasi (Caynaba) waxa uu ahaan dhul la doonayey in uu horumarku gaadho, rejada ugu weyn ee ay sugayeen waxa ay ahayd biyaha markaa in biyaha loo geeyey waan ugu mahadnaqaynaa dawladda, rejo wanaagsanna waan ka filaynaa”

 

Xildhibaan Mustafe Khayre oo u jawaabayey Xildhibaan Gurruuje oo dhaliilay ceelka laga hirgelinayo degmada Caynaba ayaa xildhibaanka ugu baaqay in bulshada laga daayo degaamaysiga balse lagu shaqeeyo sinnaan iyo caddaalada shacabka .

 

Leave a Reply