Madaxweynaha oo Marti Qaad ka Helay Dawladda Maraykanka

0
753

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa safar shaqo oo rasmi ah ku tegaya dalka Maraykanka ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dawladda wadanka Maraykanka.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah   ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu safar ugu baxayo dalka Maraykanka bisha saddexaad ee sannadkan 2022.

 

“Kulan aan dhawaan la yeelanay aniga iyo madaxweynuhu wefti ka socday dawladda maraykanka ayaa waddada usii xaadhaya safar uu madaxweynuhu ku tegayo dalka Maraykanka bisha saddexaad ee sannadkan” ayuu yidhi wasiirka oo shalay hortegay golaha wakiillada oo cod aqlabiyad ku ansixiyey.

 

Dr.Ciise Kayd waxa uu intaa ku daray in Dunida oo dhan uu ka dhaadhicin doono sidii Somaliland Ictiraaf u heli lahayd, isaga oo sheegay in dalku ku yaal bugcad uu caalamku danaynayo.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa bishii hore kulan la qaatay wefti ballaadhan oo ka socda Congress-ka Mareykanka oo safar shaqo ku yimi Somaliland.

 

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya labada dal, arrimaha nabadgelyada mandaqadda, horumarinta Dimuquraaddiyadda, deggenaashaha gobolka geeska Afrika iyo arrimaha siyaasadda

Leave a Reply