Ilaalinta Iyo Daryeelka Waalidka!

0
338

Markii uu aabihii dhintay ayuu hooyadii geeyay xarunta dadka waaweyn lagu xanaaneeyo. Wiilka ayaa booqan jiray muddo marka uu joogo hal mae. Maalin danbe ayay shaqaalihii xarunta la soo hadleen oo u sheegeen inay hooyadii sakaaraad tahay oo uu yimaaddo. Markii uu u yimi isagoo degdegsan, waxaa uu weydiiyay waxa ay rabto inuu u qabto?

Hooyadii ayaa ugu jawaabtay hooyo xaruntan waa bilaa marawaxado ee iigu xidh waayo waa kulayl, waxa kale oo aad ii keentaa talaajad aan cuntada ku kaydsado, ma haysto meel aan ku kaydsado! Wiilkii ayaa aad u yaabay oo ku yidhi : “ Hooyo hore iigamaad dalban arimahan maxaad maanta oo ay naftu ku hayso aad iiga codsatay?

Waxaana ay hooyadii oo wejigeed murugo ka muuqato ugu jawaabtay: “ Waa run hore kuumaan weydiisan waana aan la qabsaday, laakiin waxaan ka baqayaa markaad weynaato ee caruurtaadu ku keento xaruntan inaad gaajada iyo kulaylka la qabasan weydo oo ay ku dhibto adiga, aniguna adiga ayaan doonayaa inaad dhibaatadii isoo martay aanay kugu dhicin. Weliga ilaali waalidkaa.

Leave a Reply