Sida Looga Baxo Dhibaatada Iyo Masiibada!

0
602

Mar kasta oo mushkulado ku qabsadaan, naftaada dib ugu noqo oo Allaha(sw) u toobad keen, si uu Allah (sw) kaaga faydo.

Waxa la weriyay in sebenkii Nebi Sulaymaan (cs) ay abaari dhacday, dadkii aya salaaddii roob doonta u soo baxay. Nebi Sulayman (cs) ayaa arkay Qudhaanjo gacmaheeda kor u taagtay oo Allah (sw) baryaysa oo leh : “ Allahayow masiibo kasta waxa keenay denbi la sameeyay, waxana aad ku faydaa Toobadda . Waxaanu ka mid nahay adoomadaad, ee hanagu hallaagin denbiga ay sameeyeen Banii’adamku”.

Nebi Sulaymaan (cs) ayaa ku yidhi dadkii salaadda u soo baxay :”Iska noqda Allah (sw) waxa uu aqblay ducada Qudhaanjada!.

Denbiga waa in laga toobada keena oo Allah (sw) loo soo noqdaa, si dhibaatada markaa taagan oo ay sababtay dunuubta Aadamigu la inooga kor qaado.  Kitaabka (Rasaa’il Min Qura’aan. Page 90)

 

 

Leave a Reply