Qiimaha Noloshu Waa Idinka!

0
428

Markii loo sheegay inuu faalka aad u yaqaano oo qof kasta uga waramo mutaqbalkiisu ayuu ugu tegay gurigeeda Islaantii faaliyaha weyn noqtay dadkuna u wada tegeen.

Markii uu ninkaasi uu galay faaliyaha ayay ku tidhi :” Si rooxaantu raali kaaga noqoto oo aanu mustaqbalkaaga kaaga warano, horta laba doller bilaydhkaasi ku rid”.  Ninkii oo yaaban ayaa isaguna ugu jawaabay: “ Iska dhaafa  Rooxaanta ku dheh , yaanay waxba iiga waramin mustabalkayga, maxaa yeelay haddii aad ogaanaysaan mustaqbalka, waxaad ogaan lahaydeen inay jeebadayda ku jirto hal doller keliya ka dibna kaasi ayaad i weydiisan lahaydeen.  Laakiin hadda waxa cad inaydaan waxba ogaan Karin. Waana mahadsan tihiin kii  aad dhici kartaan dhaca.

Nin isaguna cuntada aad u cuna ayaa soo maray saaxiibo u lahaa oo meel raashin ku cunaya, markaasuu weydiiyay iyagoo og inuu cuntada belaayo ku qabo “ Maxaad cunaysaan”? Iyaguna waxay ugu jawaabeen “ Waa raashin sumaysane iska dhaaf, anagu aanu ku dhimanee”? .

Isaguna intuu qoslayay ayuu ugu jawaabay “ Waaba sax , haddii idinku dhimataan ma iyadaa noloshuba qiimo leh, Qiimaha noloshu waa idinka, aniguna waan idin raacaya, xagee ayaan ku hadhaa,  raashinkiina dhinac kaga bilaabay”.  Qiimaha noloshu waa Allah (sw) ka cabsiga dhabta

Leave a Reply