“In la furo Ururrada Siyaasaddu, waa waajib Dastuuri oo Cid kasta oo Han’lihi xaq u leeyahay..” Farxaan Aadan Haybe

0
610

Hargeysa (Dawan) – Guddoomiyihii hore Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Farxaan Aadan Haybe, kana mid ah Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE,  ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Xeerka furista urureada siyaasadda, waxaanu sheegay inuu isagu taageersan yahay furista ururrada siyaasadda.

Guddoomiyihii hore Hay’adda Shaqaalaha Farxaan Aadan Haybe wuxuu sidoo kale ka digay in dad aan ehel u ahayn siyaasadda inay ka hadlaan oo la adeegsado, waxaanu yidhi “Wixii sharciyad sal ku leh sharciyada ayey marjaceedu yahay, qofna siduu doono maaha, Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiyena waxay jeebadooda kala soo baxeen oo ay sida ay doonaan u dhigayana maaha.

Mucaraadkuna inay aragtidooda ku bineeyaan maaha, dalka shuruuc baa jirta, xeer baa wax jideeya, lix bilood ka hor mudada ururada furitaankooda waa in la sii iclaamiya, in la furaana la iskuma diidana, furistu waxay dan u tahay jiilka dhalinyarada ee soo koroya, iyo kuwa imika jaamacadaha ka baxay iyo kuwa hankoodu u bislaaday inay siyaasiyiin noqdaan, intaba dawo ayey u tahay.

Waxay u baahan tahay in lagu tartamo dimuqraadiyada aasaaskeeda ayaa ah, haddii aynu nidhaahno badhna waanu qaadayna bandhna waanu ka tagaynaa noqon mayso habel iyo hebelna ha fadhiyaan noqon mayso,markaas waxaan leeyahay taa yaan lagu dabaqin oo siifadi ka urin, waxay Xukuumaddu isa saaraysa tii Madaxweynaha maaha.

Madaxweynuhu Uu caddeeyey markuu Berbera joogay, in lagu qanaco hadalka weeye, salaad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaa ee in sarajooga lagu ataxiyaadsado maaha,Madaxweynuhu uu cadddeeyey waxaanu yidhi Doorashada Madaxtooyadu wakhtigeedii ayey dhacaysaa, in la Ururada furana waxaan u arkaa waajibaad dastuuriya, oo Somaliland cid kastoo han lihi xaq u leedahay, wakhtigeeda iyo wakhtiga uu Xeer jideeyana waajib weeye in la hela”.

Mar uu ka digaayey in Siyaasada cid kastaaba ka hadasho wuxuu yidhi “Doorashada Madaxtooyadu waa November markay soo dhaawato ee la iskaga yimaado oo talo la isku weydiiyo, oo ay u muuqato inay daruuri tahay in dib u dhac ku imanayo farsamo ahaan, taasna ma laha inay odayaal intay siyaasyiini soo ururiyaan yidhaahda waa in doorashada wakhtigeedii la qabtaa, waayo Komishan baa jira, Guurti baa jirta, Barlamaan baa jira, ogolaansho ayey u haystaan Farsamooyinka ay Doorashadu ku qabsoomayso”

Leave a Reply