Ciidanka Dabdamiska oo soo Badbaadiyay Neef Geel Ah

0
468

Hargeysa (Dawan) Neef Geela ayaa maanta ku dhacay mid ka mida godadka xadhka dhulka hoostooda la mariyo.

Neefkan geela ah oo ku dhacay god ku yaala degmada Axmed Dhagax, ayaa waxa soo samata bixiyay iyaga oo ALLE la kaashanaya ciidamada dabdamiska Somaliland.

Muwaadinkii lahaa neefka geela ayaa ciidanka dabdamiska Somaliland ku ammaanay sida ay hadh iyo habeen heeganka ugu yihiin badbaadinta dadka iyo duunyada, isaga oo uga mahad naqay sida ay neefkiisa uga soo samata bixiyeen godkii uu ku dhacay.

Ciidanka Dabdamiska Somaliland ayaa habeen iyo maalin heegan buuxa ugu jira samata bixinta dadka iyo duunyada, mana aha kiiskii u horreeyay ee noocan oo kale ah ee ay ku guuleystaan.

Leave a Reply