Miskiin Ay Caawisay Ayay Caan Ku Noqotay Waxa !

0
706

Karine Gombeau oo u dhalatay dalka Faransiiska aadna u naxariis badnayd ayaa sanadkii 2014 iyadoo ka soo baxday huteel ay ka soo qaadatay raashin Pizza ah , la kulantay nin derbi jiif ah oo raashin xashiishka lagu soo daaday guranaya.

Markiiba intay ku baydhay ayay siisay raashinkii ay sidatay iyadoo wejigeeda uu ka muuqdo sida uu dareenkeedu isu bedelay markii ay argatay ninka waayeelka ah ee xashiishka quudanaya.

Laakiin maalintii labaad ee ku xigtay ayaa iyadoo wadada maraysa gabadhi u yeedhay waxayna ku tidhi :” Saaka sawirkaaga ayaan ku arkay wargeyska adigoo miskiin xashiishka raashin ka cunaya u naxariistay oo quudyiy isla markiibana siiyay kii aaad sidatay”.

Waxayna Karine Gombeau tidhi “ waa run shalay ayay ahayd  oo goorma la igu sawiray”. Gabadhii oo hadalkeeda sii wdaat ayaa tidhi “ laakiin ninkaasi muu ahayn miskiin wuxu ahaa jilaaga caanka ah jilaaga caanka ah ee Richard Gere oo 62 jir ah isla wakhtigaasina wuxu ku jiray hawsha duubista filim uu metelayay”.

 

Leave a Reply