Qisada Filimka : Ganacsiga Hubka Iyo Dagaalada Caalamka! Dunida 12-kii Qofba Midbaa Hub Haysta!

0
925

Sannadkii 2005, waxa suuqa filimada lagu soo daayay  filimka lagu magacaabo “ Cuqaada dagaalka” waxaana uu dhaliyay dhaleecayn siyaasadeed oo muujisay guud ahaan sirta kaydka milatariga iyada oo lagu eegayo aragti dhexdhexaad ah.

Hordhaca filimku waxa uu si kooban usoo bandhiyaa “Nolosha xabbad”,  laga bilaabo keenidda naxaasta ee warshadda ilaa dhamaystirka rasaasta gudaha qoriga ku jirta. Qof ku dul taagan qarashka rasaasta ayaa inoo caddaynaya in caalamka uu yaallo in ka badan 550 milyan oo hub ah, taas oo macnaheedu yahay in 12 ka qof ee dunida ku nool uu hal hub haysto.  Su’aasha deg-degga ah ee isaga taagani u is weydiinayaa waa : “ Sidee ayaan u hubeynaa 11ka  ee soo hadhay”?

Markii dambe waxaa muuqatay in qofka su’aasha is weydiinayaa uu yahay Mr.Yuri Orlov,  oo hubka ka ganacsada.  Filimku waxa uu muujinayaa bilowga Qisada Mr.Yuri Orlov, maadaama uu yahay Ameerikaan asal ahaan ka soo jeeda dalka Ukraine, halkaasi oo uu nolol aad xun kula nool qoyskiisa oo ka soo cararay ciqaabkii  Soofiyeedka. Waxaana ay soo baxsadeen dalka Maraykanka, iyagoo ogaaday in Maraykanku isaguna uu yahay cadaab iyo ciqaan kale.

Aabihii waxa uu ku dooday in uu yahay Yahuudi, isagoo uga jeeday in uu cawimaad kaga helo bulshada Yuhuuda si uu uga baxsado Soofiyeetka Ukrain, isla markaana u helo nolol ka fiican isaga iyo walaalkii Vitaly, sidaas darteedna uu magaciisii waa ​​u bedelay.

Mr.Yuri  waxa uu aad ula dhacay aqoonsigiisa beenta ah, waxaana uu ku cel celin jiray in uu Yahuud yahay xitaa imaatinka Maraykanka ka dib, sheegashadaasi waxa ay noqotay mid diirada u saaran dhibaatooyinka isaga iyo xaaskiisa Masiixiga ah.

Qoyskoodu waxa ay  haysteen maqaaxi yar oo faa’iido yar ay ka helaan, nolosha qoyskoodu waxa ay la mid ahayd noloshii Midowgii Sofiyeeti (Ruushka).  Halkaas oo maafiyadii Ruushka oo iyo dagaalladii burdhaddu ay noqdeen wax iska caadi ah.  Xaafadda, uu maqaaxida ku lahayeeb Yuri iyo qoyskiisu waxa mar ka dhacay dagaal ay iska hor yimaadeen laba  kooxood oo budhcad ah, iyadoo halkaasi lagu dilay hogaamiye kooxeed, iyadoo Yuri laf ahaantiisa uu maalintaasi aad u sigtay. Wakhtigaasi ayuu gartay in noloshu gaaban tahay oo ay tahay inuu ka faa’iidaysto oo sameeyo fursadaha uu nolosha ugu noolaado sidii la rabay. Waxa uu go’aansaday in uu ka tago maqaaxidii rafaadka ahayd oo uu ka ganacsado hubka.

Mr.Yuri waxa uu aabbihii u raacay Macbad Yuhuuda lahayd waxaana uu sheekhii ka codsaday in uu fududeeyo xidhiidhka isaga iyo warshadda hubka ee Israa’iil si uu uga soo iibsado qoriga UZI.  Waxaana uu halkaasi ka bilaabay inuu hubka ka iibiyo kooxaha budhcadda ah.  Maalmihii ugu horeeyay waxa uu ka faa’iiday hubkii uu iibiyay macaash u dhigma intii uu ka heli jiray makhaayadda sanadka dhamaantiis.

Yuri wuxuu bilaabay inuu la hadlo walaalkii Vitaly si uu ula wadaago shaqadiisa, isaga oo u sheegay in uu u baahan yahay  qof daacad ah.. Walaalaha ayaa isla gartay in ay wada shaqaystaan,

Waxaana ay ganacsigoodii ku bilaabeen safar ay ku tageen Jarmalka Galbeed, iyagoo tagay Carwadii hubka ee caalamiga ahayd ee halkaasi ku dhacaysay si  uu Mr. Yuri ula kulmo Mr.Wize oo ka mid ah ganacsatada hubka ee Maraykanka.

Yuuri waxa uu ka codsaday inay wada shaqeeyaan, waxaana uu Wize ugu jawaabay si kibir ah: “ isku mid ma nihin. .. Waxaad u malaysay in aan ahay kaliya nin ka ganacsada hubka, laakiin ma ihi, ma ah  in aan hub ka iibiyo dadka oo dhan”.

Yuri ayaa ugu jawaabay: “ Laakin dagaalka Ciraaq iyo Iiraan, labada dhinacba waad ka iibisay hubka! Wise ayaa u celiyay : “ Miyaanay adiga maskaxdaada ku soo dhacayn in aan doonayay in ay labaduba khasaaraan? La soco qayb kale…

 

 

 

 

 

Leave a Reply