Taliyaha Ciidamada xeebaha oo soo kormeeray Taliska Magaalada Berbera.

0
450

Khadar.M.Dhako.

Berbera(Dawan):-Taliyaha Ciidanka illaalada xeebaha iyo difaaca badda  Somaliland  Admiral Maxamed Xuseen Faarax Xiirane ayaa shalay kormeer shaqo ku soo maray Taliska  Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Magaalada Berbera.

Admiral Maxamed Xuseen Faarax Xiirane oo Warbaahinta Qaranka la hadlay  ayaa waxa uu sheegay in kormeerkiisu la xidhiidho ilaalinta Ciidamada ee bada iyo dardarginta heeganka ay ugu jiraan.

Maxamed Xuseen Faarax oo ka hadlayay kormeerkan waxa uu yidhi”Waxa aan idiiku imid kormeerkii caadiga ahaa waxaanan heegan u nahay illaalinta baddeena waana la sii kordhinayaa heeganka Ciidanka, waana lalaban laabayaa habeen iyo Maalinba waad usoo jeedaan Habeen iyo Maalinba waanu imanaynaa kormeerka,waanad ku ammaanan tihiin ilaalinta Badda waana shaqadeenii,waxaana aan idinku baraarujinayaa  in aad ilaalisaan ammaanka Badda,”.

Sidoo kale Taliyaha saldhiga  Ciidamada Xeebaha Magaalada Berbera Gaashaanle sarre Haaruun Siciid Cali ayaa waxa uu ka warbixiyay Xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Ilaalada Xeebaha.Waxaana uu yidhi”Waxa aanu galinaa Ciidamada  falka lixda iyo badhka subaxnimo,si aanu waajibaadkayaga guud ahaan u gudano waana aanu nabadqabnaa,”.

Leave a Reply