Xildhibaan Oday Xaaji Cabdiwaraabe oo Bulshada Reer Hargeysa ugu Baaqay Illaalinta Nabadgelyada

0
433

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Axmed Xaaji Cabdi Xuseen (Oday Cabdi’waraabe),oo ka tirsan mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa bulshaweynta reer Hargeysa ugu baaqay illaalinta nabadgelyada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in asxaabta Qaranku ay asxaab ku yihiin  sharciga iyo kala danbaynta, isaga oo tilmaamay in furista ururadana cidda loo daba fadhiisanaya ay tahay dawladda.

Dhanka kale waxaa uu xusay in aanay jirin meel ay Beesha Garxajis isugu timid, isla markaana ay ku shirtay.

Waxaanu yidhi.  “1994-kii wixii Hargeysa ka dhacay waa la ogaa, toddobaatan iyo dhawr nin oo aan reer Hargeysa ahayn oo guryaha jiingadaha ka furanaya ayaanu ku xidhnay, waxaan leeyahay waar reer Hargeysow caqligeenu ha shaqeeyo, reer hebelnimo adoon doonayn reer Hargeysanima doon.

Khaladkii shalay dhacay ee dadka idinka reebay hadday dhaqaale tahay iyo hadday dhallinyadii ku dhimatay tahayba, haddii odayaashi ku dhintay ay tahayba iyo haddii haweenkii ku naf waayay ay tahay, khaladkii shalay wax ka barta”

Xildhibaan Axmed Xaaji Cabdi oo hadalka sii wata waxa uu intaas ku daray.“Haddii aanu reer Hargeysa nahay waxa isu kaaya keenay in aanu Hargeysa nabadgelyadeeda ilaashano, waxa ay magaaladu innagaga dhaxaysaa in ay camirnaato oo cidkastaaba ay ka adeegato, asxaab waxa lagu yahay sharci ururadana dawladdu iyada furisteeda iyo haynteedaba leh.

Garxajis meel uu ku shiray muu jirin, ceebna maalin walba qaadan mayno, qoraal ayaanu qoraynaa oo aanu maxkamadda gaynaynaa, nabadgelyada hala illaaliyo”

 

 

Leave a Reply