Sheekh Maxamed Haybe oo Xisbiyada uga Digay ku Dhaqanka Qabyaalada

0
479

Hargeysa (Dawan) Sheekh Maxamed Haybe oo ka mid ah culimada waa weyn ee reer Somaliland, ayaa khudbadii Jimcaha ee shalay kaga hadlay muhiimada diinta Islaamku siisay nabadgelyada, sharafta iyo cirdiga qofka, waxaanu ku dheeraaday markasta oo la qaato wax kasta oo aan diinta ILLAAHEY ahayn in laga gaadho muran, isqabsi xumaan iyo ceeb.

Waxaa kale oo uu ka hadlay Dimuquraadiyada lagu heshiiyay iyo qanuunka dad sameega ah ee qofba qodob daliishanayo xangaruufooyinkiisa, isaga oo u soo jeediyay xisbiyada siyaasada Dimuquraadiyada ay doorteen iyo sharciga ay dhigteen in ay ku kala baxaan, dadkana buuqa iyo qaska ka daayaan.

Sidoo kale waxa uu bulshada ka wacyigeliyay qabiil ku hadalka, is qabyaaladaynta iyo dhaleecaynta warbaahinta lala taagan yahay.

 

Sheekh Maxamed Haybe isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Waxa aynu kula talinayna walaalaheen cidda kursiga ku fadhida iyo cidda ka maqan in si waayeelnimo ah u wada hadlaan, oo farxadgalinaysa dadka shacabka ah,  waayeelka, dilaalka xadhiga la kala’haya, ee saylada marku la tago shanta neef intuu xidho masaariiftiisa xadhigaasi kula soo baxaya, hadal faraxtigelinaya ayaa la idinka doonayaa, balse la idinkama doonayo hadal naxdin galinaya, way naxayaan dadku, dadkaasi masaakiinta ah ducadooda ayaa la aqbalayaa, habaarkoodana waala aqbalayaa, haddii maalin walba la isku dul qabsado, wax ay noqonaysa in maalin walba ay qayshadaan, oo xagga RABI ay u qayshadaan.

Maaha in uu madax marin kursi jaceyl, ILLAAHEY waxa aynu waydiisanayna abniga iyo nimcada uu ina siiyay in uu ina siiyo shukrigeeda, inoona xasiliyo.

Walaaladeena muransan ee qabka iyo kursi jaceylku madax maray,  mid doonaya iyo mid ku fadhiyaba ay kala jiidanayaan, ILLAAHEY xaqa ha waafajiyo, dhexdooda ILLAAHEY uu wanaag iyo walaaltinimo dhigo,”

Sheekhu waxa uu intaas ku daray. “Nimcooyinka ILLAAHEY bixiyo waxa ka mida ta abniga, xog laguma keeni karo, xoogna laguma hayn karo, waa Galad iyo Nimco ILLAAHEY uu bixiyay.

Abniga iyo risiqu way isku xigaan, gaajada iyo cabsiduna way isku xigaan, abni marka la helana weynaan xagga risiqa ahba la helaa.

Waxa baraha bulshada la isu marinayo ama siyaasiyiini haku hadlaan, ama mid kursi ceshanaya haku hadlo, ama ku kursi doonaya haku hadlo, isha uun laga daawan maayo ee midhka munaasibka ahba laga odhan.

Waxa lagu qurux badan yahay waa abniga, waxay gaadhay maanta qabyalada iyo siyaasadu meelkasta oo la isugu yimaado, in lagaga hadlo, ilaa Mimbarkaa Masaajidka mooyaane, iyadana waxaan ka cabsi qaba in Mimbarada Masaajidada lala soo fuuli doono, xisbiyo iyo qabiil, in lala soo fuuli doono halkan haddii ay sidaasi ku sii socoto oo aan la joojin, oo Mimbarkii Nabigu CWS, uu diinta kaga hadli jiray iyo arrimaha muhimka ah, in Qabiil iyo Xisbi iyo haddii aanu xisbi hebel nahay in lala soo fuuli doono ayay khatar ugu jirtaa.

Walaalayaal Nimcada ILLAAHEY shukri ayay mudan tahay, hore waxa loo yidhi nin weyni waxa uu yidha waa dardaaran waxa uu cunaana waa jal, haddaba in badan oo dadka maanta ka mid ahi sifada kuma sifeysna.

Waxa maanta bilaabantay in la is caayo, rasuulkeenu SCW, waxa uu yidhi qofka Muslinka ah oo la caaya waa falaago iyo daaco ka bax, Sharaf dilkiisuna waa dhaqan gaaleed.

Walaalayaal colaadaha in badan oo dalalka, dadku waxa ay xusuusanayaan gawdii iyo gariirkii hore iyo dakharadii aan sida wanaagsan u bogsoonin, ayay dareemayaan, waar halaga daayo dadka hadalka aan munaasibka ahayn.

Waaka dadkii la kala qaybiyay, waxa ay u qaybsameen mucaarid iyo muxaafid wax la yidhaaho, waana qayb aan ILLAAHEY adoomihiina mu’miniinta ah u ogolayn, ALLE SWT waxa uu leeyahay ha tafaraaruqina, oo hays khilaafina, marka la tafaraarufo ee la is khilaafo xagga lagu  kala baxaya ee loo noqonayaa waa ILLAAHEY diintiisa, arrintaasi maanta ma jirto, qodobo ayaa la isu daliishanayaa, qodobka intaayad, xarafkiisa B, xariijin, jiitin, waa kalmadaha inta badan aynu maqalo, nin waliba waxbu daliishanayaa, walaalayaal waa arrin khatar ah in waagii baryaba dadku cay isla daba joogaan, oo dadkuna ay qaybsamaan, oo ummada gabigeeduba ay noqoto mid xil ceshanaya iyo mid xil doonaya, ‘waar xilku wax lagu ordo maaha, kahayaana dhibaato ayuu ku qaba, oo masuuliyad badan ayaa saran, ka ku socdana dhibaato badan ayaa ka horraysa.

Waxa ay hadda arrintu gaadhay in hooyooyinka iyo sodohuhu ay warbaahinta ka hadlaan, waa nasiibdaro, ka ugu sharafta badan lihi waa ka ALLE agtiisa ugu ALLE ka cabsiga badan.

Waxa aynu u baahanahay in halka aynu joogno maanta kor uga socono, xagga horumarka maadiga, xagga abniga, xagga waxbarashada, xagga dacwada, taasi in aynu ku fikirno, balse waxa muuqanaysa in badan oo inaga inaga mid ah xigmada kursigu khatarteeda ayay leedahay ka ku fadhiyana khatar ayay ku tahay, ka ku socdana khatar ayay ku tahay, Nabiga dardaaranadiisi waxa ka mid ahaa in ay dadku kursiga ku yaacin, meel lagu yaaco maaha, is jiidadka la iskala jiidanayo ayaa waxyaabaha abniga wax u dhimo ka mid ah.”

Leave a Reply