“Maanta ganacsatada waxa laga doonaya in aanay Faa’ido raadin oo ay Bulshada Badbaadiyaan”Sheekh Maxamed Xiiray.

0
426

Hargeysa (Dawan) Sheekh Maxamed Muxumed Xiiray, ayaa oo ka mid ah culimada Somaliland, ayaa fariin u diray xukuumadda, ganacsatada iyo culimada.

Fariintaas oo uu kaga hadlay xaalada abaareed ee dallka iyo xilliga adage e lagu jiro, ayuu  u soo jeediyay ganacsatadu inay ILLAAHEY ka baqaan oo ay maceeshada jabiyaan, isla markaana aanay doorkan faa’ido ka doonin ee ay bulshadooda u damqadaan.

Dhinaca kale culimada masaajidada ayuu ku dardaaray inay ka war hayaan masjidkasta xaafada uu ku yaallo nugusha ku nool, isla markaana gacan qabtaan oo ay is abaabulaan, iskuna xidhaan dadka xaafada baahanta iyo inta wax haysata, halka uu xukuumaddana ugu baaqay in ay u kacdo dadkeeda abaaruhu tabaaleeyeen oo gurmad deg deg ah la gaadho.

Waxaanu sheekhu sidan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Dawan, waxaanu yidhi.“Waxa la inooga baahan yahay dhammaanteen in aynu isu gargaarno, is caawino.

Tijaarta xil weynba saran, xukuumadda xil weynba saran, culimada xil weynba saaraan, masjidkasta sidii jaarkiisa uu wax u tarilahaa, dadka fuqurada iyo kuwa ku xeeranba uu ogaanlahaa, masaajidaduna ay noqdaan kuwa dadka laga kaalmeeyo wakhtigan adag ee aynu ku jirno.

Rasuulkeenu NNKHA waxa uu yidhi ‘ILLAAHEY waxa uu idiinku gargaara dadka masaakiinta, furuqada ah marka aad ka war haysaan, dadka ILLAAAHEY nasriga iyo guusha uu ku siiya waa dadka danyarta ah marka loo gargaaro.

Xaaladan adag sidii dadka fuqurada ah looga saarilahaa shacab iyo dawladdba waa in aynu iska kaasho”

Sheekha oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray.“Masaajidada culimada guddiyo ha sameeyaan oo masaajidkasta intii la jaar ah haka war hayo, oo haweenku hays abaabulan oo danyarta masaajidkaasi ka ag dhaw hasoo tirikoobaan.

Kuwii ALLE halaagayo ALLE inagama dhige kuwa wanaagsan, kuwa lacagta leh ee ganacsatada ah ayaa khayrka loo sheegaa, oo la yidhaaha waar dadka u naxariista, markaasi ayaa loogu tag waaya oo naxariis daro iyo waxyaaba la mida ku kacaan, ILLAAHEYna markaasi ayuu ciqaabkiisa soo dejiyaa, markaasi ayaa burbur ka danbeeya ayuu yidhi ALLE, miyaanay ogayn kuwa dadka maceeshada ku qaali gareynaya ee ganacsatadu in ay danbeyso maalin ILLAAHEY la is hortaago, in ILLAAHEY arkayo in Malaa’igtii wax ka qoreyso miyaanay ogayn.

Marka xaaladan adag inta laga baxayo, ganacsatadeenu waa in ay ku fikiraan sidii wixii ay wax soo siisteen uun wax ugu

Leave a Reply