Kooxda Goodir FC oo Hanatay Koobka Horyaalka Horyaallada Somaliland

0
518

Garoonka kubadda cagta ee Cabdale Staduim ee magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera ayaa shalay waxa ka qabsoontay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee tartanka horyaalka horyaallada Somaliland oo muddo bil ah ka socday magaaladaas.

Ciyaartan kama dambaysta ah oo ay isugu soo hadheen kooxaha Goodir FC iyo Dawladda Hoose Ceerigaabo, kuwaasoo kuwada ciyaaray Cabdale Staduim ayaa waxa dhexmartay ciyaar aad u xiiso badan oo raaligelisay daawadeyaashii kasoo qaybgalay garoonka oo ay ka mid ahaayeen madaxda hay’addaha ay u kala ciyaarayeen labada naadi oo uu ugu horeeyo taliyaha ciidanka booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aaden Saqadhi (Daba-gale) iyo Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo dadweyne tiro badan oo kala taageerayay labada kooxood.

Ciyaartan koobka lagu kala qaadayay ayaa qaybtii hore ku bilaabantay dardar iyo xamaasad la dareemayay inay tahay kubad koob lagu kala qaadayo.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 0-0 ay labada kooxood ee Goodir FC iyo D.H. Ceerigaabo ay isla dhaafi waayeen.

Qaybtii dambe ee ciyaarta oo kasii xamaasad badatay qaybtii hore, maadaama oo waqtiguna ka kooban yahay intii hore, dardaarano dheeraad ahna ay soo siiyeen labada macalin ee kala watay labada naadi.

Waxay labada naadi weeraryahanadooduba isku dayeen inay keenaan goolka koowaad ee la wareegista hogaanka ciyaarta.

Daqiiqadii 51aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ciyaartoyga lambarka 55aad u sita naadiga Goodir FC ee lagu magacaabo Cabdiwaduud uu u dhaliyay kooxdiisa gool ka fujiyay naxdintii naadigiisu ka qabay inuu 0-0 kula dhamaystaan dhiggooda ay wada ciyaarayaan, waxaanu 1-0 ay Goodir FC kula wareegtay hogaanka ciyaarta, isla markaana kaga gacan sareysay kooxda D.H. Ceerigaabo, ayaa wax ka bedeshay jawigii ciyaarta waxaana gacanta sare ee kubadda la wareegtay kooxda Goodir FC.

Daqiiqadii 72aad ee isla qaybtii dambe ee ciyaarta ayay kooxda Goodir FC gool aad u qurux badan oo ay kasoo jiideen laacibta afka hore ee kooxdiisa ay ku hubsadeen shabaqa kooxda D.H. Ceerigaabo, kaasoo ciyaarta ka dhigay 2-0 ay hogaanka kusii dheeraysteen kooxda Goodir FC.

Ugu dambayn markii ay dhamaadeen 90-kii daqiiqo ee rasmiga ahaa daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayay kooxda D.H. Ceerigaabo heshay gool rikoodhe ah, kaasoo ay dhaliyeen isla markaana ciyaarta ka dhigay 2-1 ay ku idlaatay guud ahaan ciyaartii, isla markaana ay guushu ku raacday, kuna qaadeen koobkii tartanka horyaalka horyaallada Somaliland kooxda Goodir FC.

Leave a Reply