Mohamed Salah oo iska Diiday Dalab ay Kooxdiisa Liverpool Miiska u Saartay

0
490

Xiddiga kooxda Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa diiday dalabkii heshiis kordhinta ahaa ee ay Liverpool u soo bandhigtay xiddiga si uu u sii joogo kooxda.

Xiddigii hore ee chelsea ayaa galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Anfield waxana uu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa fog ee kooxda.

Salah ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu sii joogo kooxda Liverpool waliba uuna dalbanayn mushahar waali ah.

Si kastaba ha ahaatee wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Salah dalbanayo lacag dhan 400 kun oo Gini todobaadkii si uu u sii joogo kooxda Liverpool.

Dhanka kale kooxda ayaan diyaar u ahayn in ay miiska saarto lacagta intaas leeg taas oo keentay in ay miiska u saarto lacag intaas leeg taas oo keentay in uu Salah diido dalabkaas

Leave a Reply