Banaanbax Lagu Taageeray Doodii Baarlamaanka UK

0
631

Hargeysa (Dawan)- Banaanbax si weyn loo soo aqaasimay oo lagu taageerayey Xildhibaan Gavin Williamson oo dood ictiraafka Somaliland horn geeyay Baarlamaanka Ingiriiska ayaa shalay lagu qabtay xaafadda Daami oo ka tirsan Degmada Gacan-libaax, ee magaalada Hargeysa.

Banaanbaxa oo ay ka soo qeybgaleen dadweyn aad u badan, Waxgarad, Salaadiin iyo Boqorka Beelaha Gabooye, Maayirka Caasimada Hargeysa, Md. Cabdikariim Axmed Mooge, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun & Xildhibaan Jirde ayey dadweynahu ku muujiyeen buraanburo iyo ciyaaro taageeradooda qadiyadda madaxbanaanida Somaliland iyo siday ula dhacsan yihiin xildhibaanadii ka qeybqaatay ka hadalkeeda.

Boqorka Beelaha Gabooye Axmed Iimaan Warsame oo ka hadlayey ujeedada banaanbaxa bulshada ayaa sheegay inuu la xidhiidho taageerida doodii ictiraafka Somaliland ee baarlamaanka Ingiriiska ka dhacday iyo xildhibaankii soo abaabulay.

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo hadal ka jeediyey ayaa u mahadceliyey haweenka xaafadda Daami oo uu sheegay inay manta (shalay) metalayeen dhamaan shacabka Somaliland, waxaanu sheegay inuu u mahadcelinayo baarlamaanka Ingiriiska, isagoo ka hadlayana waxuu yidhi, “Anigoo ku hadlaya Afka Xildhibaanadda Baarlamaanka Somaliland waxaan u mahadcelinayaa Baarlamaanka Ingiriiska, waxaanan si gaar ah ugu mahadcelinayaa xildhibaan Gavin Williamson iyo xildhibaanadii ku taageeray doodda.

Xildhibaan Barkhad ayaa sheegay inay u tahay sharaf xaafada inay noqdaan bulshadii koowaad ee u dabaaldegta guusha Somaliland.

Maayirka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdikariim Axmed Mooge oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyey bulshada xaafada Daami, isla markaana sheegay inay u quusgooyeen dadka Somaliland ku sheega inay qabiil gaar ah leeyahiin.

Md. Cabdikariin ayaa sheegay in xaafadu noqotay shacabka koowaad ee dareenkooda ku muujiyey in Somaliland noqoto qaran madaxbanaan oo aduunka laga aqoonsan yahay.

Dhamaan masuuliyiintii iyo salaadiintii goobta ka hadlay ayaa si isku mid u hambalyeeyey baarlamaanka Ingiriiska iyo xildhibaanadii keenay dooddii ictiraafka Somaliland.

 

Leave a Reply