Golaha Guurtida Somaliland oo Soo Gunaanaday Dooddii ay ka la’haayeen horumarinta Waddooyinka.

0
301

Hargeysa (Dawan) – Mudnayaasha Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa maanta soo gunaanaday dooddii ay ka lahaayeen horumarinta waddooyinka iyo jidadka dalka, iyagoo sidoo kale dood ka yeeshay arrimaha horumarinta dhalinyarada ee Somaliland.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida ee Somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha Golahaasi, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxa mudanayashu ay dood dheer ka yeesheen ahmiyadda waddooyinka iyo jidadku ay u leeyihiin waddanka, iyagoo mas’uuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa ku bogaadiyay shaqada ay ka wadaan magaalada ee dib u casriyaynta waddooyinka qaar.

Waxaana ay mudnayaashu ay uga mahadceliyeen dawladda hoose ee Hargeysa bannaynta waddada halbawlaha ah ee magaalada Hargeysa dhex marta, iyagoo maayarada kale ee degmooyinka dalkana u soo jeediyay inay horumariyaan isla mar ahaantaana ay dayactiraan waddooyinka muhiimka ah ee magaalooyinka dhex mara, si isku socodka bulshadu uu fududaado.

Geesta kale, qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Guurtida ayaa talo ahaan u soo jeediyay in xukuumaddu ay dhisto waddada isku xidha magaalada Madaxda Hargeysa iyo Burco, iyo sidoo kale in xal loo helo shilalka gaadiidka ka dhasha oo dalka kusoo noqnoqday beryahan dambe.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Guurtidu waxay dood ka yeesheen arrinta horumarinta dhlainyarada Somaliland, iyagoo sheegay in laga maarmaan ay tahay in dhalinyarada oo ah bulshada soo socota ee dalka, lagala dagaalamo balwadaha la qabatimo, isla mar ahaantaana laga wacyigeliyo tahriibka iyo waxkasta oo dhib u keenaya

Leave a Reply