Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda Caddaaladda ee Somaliland ayaa abaalmarisay shaqaalihii ugu hawlkarsanaa sannadkii tegay ee 2021-ka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladda ee Somaliland Axmed Xasan Aw Aadan ayaa sheegay inay abaalmarinayaan 27 shaqaale ah, oo ah kuwii ugu hawlkarsanaa sannadkaasi, waxaana uu sheegay inay kusoo xuleen shaqaalahan isa mar ahaantaana ay ku guuleysteen habraac shaqaalaha dawladda, isagoo u mahadceliyay waaxda cududda shaqaalaha ee Wasaaradda, oo uu sheegay inay iyagu soo qiimeyeen shaqaalahan caawa la abaalmarinayo, isagoo ugu baaqay shaqaalaha kale ee wasaaradda inay dedaalan oo sannadka dambe ay ka mid noqdaan shaqaalaha la abaalmarinayo.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland Cabdillaahi Faarax Cabdi iyo guddoomiyayaasha hay’adaha shaqaalaha dawladda, qandaraasyada qaranka, komishanka maamul wanaagga iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha warfaafinta, Maxadka tabobarka shaqaalaha dawladda, oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim ay yihiin shaqaaluhu isla mar ahaantaan ay mudan yihiin in kor loo qaado mooralkooda iyo niyaddooda, waxaana ay sheegeen in horumarka dalku uu ku xidhan yahay, hadba siday u shaqeeyaan shaqaalaha dawladdu, iyagoo ugu baaqay shaqaalaha inay ilaaliyaan saacadaha shaqada, isla markaana ay u hagar baxaan dalkooda iyo dadkooda.