Bulshada Ku Nool Degmada Raydab Khaatumo ee Gobolka Daadmadheedh oo Bannaanbaxay.

0
545

Oodweyne (Dawan) – Bulshada ku dhaqan degmada Raydab Khaatumo ee gobolka Daadmadheedh ayaa bannaanbax lagu taageerayo gooni isu taagga Somaliland ka dhigay degmadaasi.

Maamulka degmada Raydab Khaatumo ayaa dadweynaha oo isugu soo baxay goob fagaare ah kala hadlay, waxaana ay tilmaameen in aan gorgortan laga geli karin qaddiyadda madax banaanida ee Somaliland, oo ay tilmaameen inay tahay qaddiyad bulsho, oo u baahan inay tixgelin ka hesho beesha caalamka, iyagoo ugu baaqay guud ahaan shacabka Somaliland inay meel uga soo wada jeestaan, sidii dunida looga keeni lahaa ictiraaf buuxa oo ay hesho Somaliland.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Raydab Khaatumo oo ka tirsan gobolka Daadmadheedh oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay dooddii ay baarlamaanka Ingiriisku ay ka yeesheen qaddiyadda madaxbanaanida ee Somaliland, waxaana ay xuseen inay ahayd tallaabo hore loo qaaday, oo wax weyn ku soo kordhinaysaa aragtida ay beesha caalamku ay ka haysato Somaliland, iyagoo ku baaqay in halkaasi laga sii wado halganka loogu jiro, sidii dalka iyo dadkani ay u heli lahaayeen aqoonsi buuxa oo ay siiso beesha caalamku.

 

Leave a Reply