Qiime Kasta iyo Qadar walba waynu u Quudhaynaa

0
307

Waxaa indhawaalaba isa soo tarayey dabaysha dhaqdhaqaaqyada aqoonsi raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Waxana kordhay saaxiibada caalamiga ah ee ka garaabay Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo dheer dhabarka loo jeediyey.

31 sannadood oo ay Jamhuuriyadda Somaliland waday dedaalka ay doonayso inay caalamka ku dhacsiiso xaqa aayo-ka-tashiga shacbiga Somaliland iyo meel marinta iraadada ummadda, kadib waxa duruufaha iyo danaha sebanku keenay ay sababeen inay Jamhuuriyadda Somaliland gaadho heer qaddiyadeedu ay soo jiidato indhaha beesha caalamka oo u riyaaqday dimuqraadiyadda, dawladnimada iyo doorashooyinkii kala dambeeyey ee dalka ka qabsoomay.

Waxa shacbiga iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland aanay iloobi doonin juhdiga uu Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriisku, uu ku gole keenay dooddii toddobaadkii hore ay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka UK kaga hadleen siday JSL u istaahisho aqoonsi caalamiya oo ay ka hesho quruumaha caalamka.

Doodaasi waxay irmaanaysay tacabka Xukuumadda JSL ay ku doonayso inay kaga jibo-keento qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland oo maanta maraysa heer yididdiilo leh oo ka dhalatay waxyaabihii u qabsoomay Somaliland muddo ka badan rubuc qarni oo ay ku gaadhay in lagu tilmaansado “ilayska xasiloonida iyo dimuqraadiyadda gobolka qalalaasuhu hadheeyey ee Geeska Afrika.”

Dhacdooyinka saameynta leh, waxa ka mid ah inay JSL muujisay inay tahay qaran la aamini karo, isla markaana leh ajandeyaal fog oo dhinaca horumarka iyo adkaynta nabadgelyada la xidhiidha.

Sidoo kale, waxa afartii sannadood ee uu Madaxweyne Muuse Biixi talada hayey aad u batay xildhibaannada, aqoonyahannada iyo khubarrada badhi-taarayey qaddiyadda madax-bannaanida JSL, taasi oo qayb weyn ka ah dedaallada socda iyo tallaabooyinka qorshaysan ee lagu beegsanayo natiijo ka badan inta maanta muuqata.

Waxa labadii maalmood ee la soo dhaafay, dalka ka dhacay isu-soo-baxyo lagu taageerayey doodii Baarlamaanka Ingiriiska ee ku wajahnayd aqoonsiga Somaliland, taasi oo shacbiga Somaliland ay farriin culus ugu direen caalamka, siday ugu adag yihiin qarannimadooda ku joogta xinjirta geesiga iyo halganka adag. Waxa xusid mudan in ummadda reer Somaliland marka ay joogto danta guud ay noqdaan ul iyo diirkeed, una midaysan yihiin sidii ay u noqon lahaayeen safiirro mutadawaciin ah oo qarankooda ku iibgeynaya dal kasta iyo bogcad walba oo ay caalamka kaga nool yihiin.

Sidoo kale, waxa dhawaan urrurada caalamiga ah; sida Qarammada midoobay, Midowga Afrika, urur-goboleedka IGAD iyo kuwo kale loo gudbin doonaa dalab diiwaankiisa ay ku saxeexan yihiin ilaa hal milyan oo qof oo reer Somaliland ah oo bayaankooda garnaqsiga ah kaga hadli doona xaqa ay u leeyihiin in la xurmeeyo rabitaankooda.

Waxaan ila tahay inaynu sii xoojino midnimadeenna iyo wadajirka ummadda reer Somaliland, kana shaqeyno sidii aynu u gaadhi lahayn yoolka ugu weyn ee JSL oo ah, inaynu helo aqoonsi diblomaasiyadeed oo aynu xubin kaga noqono Ururrada caalamiga ah ee aan soo sheegnay.

Ugu dambayn, JSL waxa ka go’an inay u quus-goyso cadowgeeda, isla markaana qiime kasta iyo qadar walba u hurto aqoonsiga qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland oo ah mid lama taabtaan ah.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply