Ka Faa’iidaysiga Caqliga Iyo Aqoonta!

0
755

 

Avram Noam Chomsky waa oday Maraykan ah oo dhashay sanadkii 1928 aqoon sare oo PHD ku qaatay aqooonta falsafadda , aqoonta maskaxda iyo sida ay u shaqayso (cognitive scientis) wakhtigan ku sugan   qoraalo badan ayuu ka sameeyay xeelado dadka lagu kasbado oo maskxadoodana hogaanka loogu qaban karo si fudud.

Waxa kale oo uu sheegay  in dadka oo aqoonta iyo fikirka lagala dagaalamo ay tahay kuwa ugu muhiimsan, waayo marka dadku aanay aqoon lahayn fikirkooduna maaha mid shaqaynaysa, waxaad u jeedina kartaa halka aad doonto, waxaana aad u maamuli karta sida aad adigu rabto.

Chomsky Wuxux yidhi “ Caamada waxba kama duwan caruurta, ma kala garan karaan inaad nacas tahay iyo inaad fariid tahay, waana inaad mar kasta ula hadasho sida aad adigu rabto, mar kasta u sheeg  been iyo mala awaal iyo sheekooyin samaysa oo khuraafaad ah” “ Xataa haddii aad u sheegto waxaan dhici karin oo sababo ku qanciso way rumaysanayaan, waana inaad cabsi gelisaa taasi waa habka ugu fiican ee aad ku aaminsiin karto, waxa aad rabto”.

Qofka ku sheegaya khuraafaad iyo hadalo aan caqli iyo xikmadd ku  dhisnayn marka hore ayuu og yahay inaad adigu tahay Nacas aan fikir iyo caqli midna lahayn oo la gashan karo hadba wixii la doono.   Waxaana muhiim ah in qofku wax ku qiimeeyo maskaxdiisa, taasi oo u muujinaysa arrimaha u wanaagsan iyo kuwa dhibta ku ah.

Leave a Reply