Guusha Waxa Lagu Gaadhaa Dadaal!

0
767

Kooxdii ugu horaysay ee Ingiriis ah ee isku dayay inay koraan buurta dunida ugu dheer ee Everest waxay la kulmeen dhibaatooyin badan iyo cimilo adag. Waxaana halkaasi ku dhintay  mid ka mid ahaa kooxda. Aad  ayay uga murugoodeen geeridiisa , laakiina nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ayaa goostay  inuu sii wado gaadhitaanka buurtaasi dusheeda si ay dhamays tiraan hawshaasi uu la bilaabay saaxiibkood. Laakiin arinkaasi ma suurtagelin, kooxda ayaa ku soo noqday London iyagoo intooda kale nabad qaba waxayna ku qabteen shir jaraa’id. Iyagoo ka sheekeeyeey dhibaatadii ay la kulmeen iyo geerida ku timi saaxiibakood ah, Iyagoo ka tacsiyadeeyay  qoyskiisa.

Sawirka buurta iyo wiilka dhintay ayaa goobta yaallay, ninka dhalinyarada ee ka tirsanaa kooxda ayaa  sheegay inay dhibaato tahay koridda buurtaasi laakiin aanay ka hadhi doonin oo ay maalin uun kori doonaan buurtaasi dusheeda si ay u xaqiijiyaan hadafka saaxiibkood kula dhintay.

Wiilkan ayaa mar danbe ku  noqday waxaana uu xaqiijiyay hadafkaasi isagoo koray buurta ka dib markii uu adkaystay dhibaatadii iyo cimiladii adkayd ee ka jirtay goobta, isla markaana  calankii dalkiisa Ingiriiska kor u  taagaya. Waxaana uu buurta dusheed ka muujiyay guushiisa iyo doonistiisa birta ahayd  manay jirteen buurtaasi koritaankeeda in lagu waajaho doonis adag iyo adkaysi mooyee wax kale. Dariiqa guushuna maaha mid uu Ubaxa ku goglan yahay laakiin waa mid dhib badan oo loo adkaysto, dadaalo loona sabro.

Leave a Reply