Wasaaradda Shaqogelinta oo soo  Bandhigtay Qorshaha wasaaradda ee Shanta Sanno ee soo Socda.

0
369

Hargeysa (Dawan)  Wasaaradda Shaqogelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland ayaa soo bandhigtay qorshaha wasaaraddaasi ee shanta sanno ee soo socda.

Agaasimaha waaxda Qorshaynta Mawliid Suudi oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay maalmihii u dambeeyay ay wadeen sidii ay dib u cusboonaysiin ay ugu samayn lahaayeen qorshaayaasha u dejisan Wasaaradda Shaqogelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland.

Cabdiraxmaan Caydid oo ah khabiir wasaaraddaasi kala shaqaynaya dhinaca dejinta yoolasha shanta sanno ee soo socda ee wasaaraddaasi ayaa isna geestiisa sheegay inay samaynayaan, isla mar ahaantaana dib u eegayaan shaqada iyo qorshaha guud ee Wasaaradda, kaasoo ay kasoo saari doonaan qorshaha shanta sanno ee soo socda ee wasaaradda, isagoo ugu baaqay shaqaalaha wasaaradda iyo madaxdeeda inay ka wada shaqeeyaan arrintaasi, isla markaana ay si adag ugu soo diyaar garoobaan sidii ay qorshe fiican oo shan sannadooda ah ugu dejin lahaayeen Wasaaradda Shaqogelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somalialnd.

Wasiirka Wasaaradda Shaqogelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Somaliland Mustafe Godane Cali Bile oo gebogebaddi goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay inay maanta qorayaan wixii ay wasaaraddu qaban lahayd shan sanno oo soo socda, isagoo tilmaamay in isla qorshahaasi shanta sanno ah uu qayb ka noqon doono qorshaha guud ee Qaranka, kiisi saddexaad oo imikka la bilaabayo.

Leave a Reply