Hay’adda U Diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka oo la  Wareegtay Deeq Raashin Ah.

0
387

Hargeysa (Dawan)  – Hay’adda u diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ayaa la wareegtay deeqo raashi ah oo ay soo gaadhsiisay dawladda Imaaraadka Carabta, oo saaxiib la ah Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda u diyaargarawga aafooyinka iyo keydka raashinka qaranka Faysla Jaamac Xawte oo deeqdaasi la wareegay ayaa dawladda Imaaraadka Carabta uga mahadnaqay kasoo jawaabista baaqii xukuumadda ee Gurmadka dadka ay soo foodsaareen abaaraha ee guud ahaan Somaliland.

Agaasimaha waaxda gargaarka iyo gurmadka ee hay’adda u diyaargarawga Aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka ayaa sheegay in iskaashi fiican uu ka dhexeeyo labada dal ee Imaaraadka Carabta iyo Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Jsl Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo sidoo kale ah xubin ka tirsan guddida heer qaran ee abaaraha ee Somalialnd ayaa sheegay in dawladda Imaaraadku ay tahay dawladdii ugu horreysay ee kasoo jawaabta baaqii ay Somaliland ay kasoo saartay gurmadka abaaraha. Safiirka Dawladda Imaaradka Carabta u fadhiya Jsl Cabdalle Naqdi ayaa sheegay inay deeqdani ay tahay mid hor-udhac ah siina wadi donaan deeqaha ay soo gaadhsiiyaan Jsl, oo uu sheegay inay saaxiib la yihiin.

Maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarrada ee Somaliland Cumarsayid Cabdillaahi Aadan iyo Siciid Cabdi Gaboobe ayaa iyaguna dhankooda tilmaamay in xidhiidh qoto dheeri uu ka dhexeeyo Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta.

Leave a Reply