Liverpool oo ku Dhawaaqday Heshiiska Luis Diaz iyo Lambarka uu Xidhinayo

0
566

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday, inay dhamaystirtay heshiiska weeraryahanka Luis Diaz oo ay €60 milyan oo Gini kaga soo iibsatay kooxda reer Portugal ee FC Porto.

Xiddiga reer Colombia ayaa qalinka  ku dudugay heshiis soconaya illaa sannadka 2027 oo uu Liverpool ugu ciyaari doono, waxaana uu noqon doonaa saxeexii koowaad ee tababare Jurgen Klopp uu sameeyo bishan January.

Luis Diaz ayaa Liverpool u xidhan doona No.23 oo ay hore usoo qaateen ciyaaartooyo waaweyn balse iska bannaanaa hadda. Tijaabada caafimaadka ayuu maalintii Khamiista ku maray waddanka Argetnina kaddib markii ay Salaasadii Liverpool iyo Porto ka heshiiyeen qiimaha ay laacibkan kula kala wareegayaan.

25 jirkan ayaa muddo dheer uu indhaha ku hayay Klopp, waana garab weerar oo hibo u leh dhalinta goolasha. Xilli ciyaareedkan socda waxa uu FC Porto u dhaliyey 14 gool 18 ciyaarood oo horyaalka ah oo uu u saftay, waxaana u dheer caawin iyo kuwo kale oo khalkhalka uu ku riday difaacu ay u sahleen ciyaartoyda kooxdiisa inay dhaliyaan.

Liverpool ayaa saxeexa laacibkan waxay ku garaacday Tottenham oo qarka u saarnayd toddobaadkii hore inay gacanta ku dhigto laacibkan, waxaana sabab u noqday in Reds ay laacibkan kasoo afduubato Spurs agaasimaha ciyaaraha Michael Edwards iyo gacan-yarihiisa oo hadda oo xilka bannaynaya dhamaadka xilli ciyaareedka, isla markaana uu beddelayo Julian Ward.

Leave a Reply