Laacibiinta Saxeexyadoodu Fashilmay Suuqa kala Iibsiga January

0
536

Waa soo gunaannad ah suuqa kala iibsiga January iyada oo maanta noqon doonta maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga January.

Kooxaha ayaa 30-kii maalmood ee ina soo dhaafay ku dadaalayay in ay sameeyaan saxeexyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Laakiin waxa ilaa haatan jira saxeexyo badan oo fashilmay oo aan dhicin inkasta oo ay kooxo badan dedaal waali ah ku jireen si ay u dhamaystiraan saxeexyadaas.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa saxeexyada fashilmay ilaa haatan suuqa January:

Dusan Vlahovic -> Arsenal:

Arsenal ayaa xiddiga Dusan Vlahovic ka dhigatay bartilmaameedkeeda ugu weyn ee suuqa January iyada oo doonaysay in ay xoojiyaan weerarkooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Gunners ayaa xitaa kooxda Fiorentina kala heshiisay saxeexa xiddiga laakiin xiddiga reer Serbia ayaa diiday in uu ku biiro Arsenal kaas oo ka doortay kooxda Juventus.

Pierre-Emerick Aubameyang -> Barcelona:

Kooxda Barcelona ayaa doonaysay weeraryahan waxana tan ilaa bilowgii suuqa January lala xidhiidhinayay saxeexa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ay Arsenal doonayso in ay iska dirto xiddiga suuqa January.

Laakiin Barcelona ayaa ku fashilantay in ay dhamaystirto saxeexa xiddiga sabab la xidhiidha mushaharka aadka u sareeya ee uu qaato iyo in ay marka hore u baahantahay in ay iska iibiso xiddiga Dembele.

Adama Traore -> Tottenham:

Kooxda Tottenham ayaa suuqa January noqotay koox lagu garaaco saxeex walba oo ay doonayso iyada oo kooxda Barcelona ugu horayn ku garaacday saxeexa xiddiga Adama kaas oo qarka u saarnaa saxeexa xiddiga reer Spain.

Luis Diaz -> Tottenham:

Waa xiddigii 2-aad ee lagu garaaco kooxda Tottenham suuqa January iyada oo Liverpool ku garaacday saxeexa xiddiga reer Colombia ee Luis Diaz kaas oo haatan qarka u saaran kooxda Liverpool.

Arthur -> Arsenal:

Kooxda Arsenal ayaa dhankeeda nasiib xun ku leh saxiixyada suuqa January iyada oo ku fashilantay in ay hesho saxeexa xiddiga reer Brazil kadib markii ay diiday dalabka Juventus ee ahaa heshiis amaah ah oo 2 sano ah.

Aaron Ramsey -> Premier League:

Dele Alli -> Newcastle

Jesse Lingard -> Newcastle

Leave a Reply