Mashruuc Maal-gelineed oo ay ka Faa’iidaysteen 175 Qoys

0
289

Qore Cismaan Cabdi Bade

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh oo ay weheliyaan Xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda Somaliland iyo Maamulka Gobolka Gabiley ayaa shalay si rasmi ah u Daah-furay Wajigii 3aad ee Mashruuca Maalgalinta Danyarta Gobolkaasi.

Wasiirka diinta iyo Aw Qaafta Somaliland oo daah-furay mashruucan maal-gelinta ee gobolka Gabilay ayaa deeqdan guddoonsiiyay dad gaadhaya 175 qof, kuwaasi oo loo qaybiyey lacag dhan qoyskiiba min 500 dollar, iyada oo dadkaasi ay 4 ka mid ahi yihiin rag, halka inta kalena ay yihiin dumar hooyooyin ah

Sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo technology Cabdiwali Sheekh Suufi iyo wasiirka shaqada qoyska iyo arimaha bulshada Mahamed Cali Bile, badhasaabka gobolka Gabilay Cabdiqani Maxamuud Jiidhe iyo maayarka gabilay Maxamed Amiin Cumar Cabdi iyo Xoghayaha Dawlada Hoose ee Gabilay Eng Cabdqaadir Maxamed Cabdi iyo qaar ka tirsan golaha deegaanka Gabilay iyo shacabkii danyarta ahaa ee shalay loo qaybiyey lacagta maalgalinta oo ah sanadkii sadexaad ka koobaan qof kasta inuu hello 500 oo dollar

Mashruucasn maal-gelinta ah oo qof kasta oo qaatay lacagtaasi uu soo clinayo boqokiiba konton %50, ayaa ah mashruuc lagula dagaalamaayo shaqo la’aanta iyo yaranta faqriga, waxaana Mashruucan aasaasay golahii hore ee degmada Gabilay.

 

 

 

Leave a Reply