Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamanka iyo Guddoomiyaha Wargeyska Dawan oo Booqday Safaarada JSL ee Jabuuti

0
275

Hargeysa (Dawan) Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Guddoomiyaha Wargayska Dawan Maxamed Axmed Jaamac Caloolay ayaa socdaal shaqo ku tagay Dalka Jabuuti.

Xildhibaanadan ka socday Golaha Wakiilada Wakiilada iyo Guddoomiyaha Wargeysa Dawan Maxamed Axmed Jaaamac Caloolay ayaa waxa ay booqdeen Safaarada Somaliland ku leedahay Magaalada Jabuuti,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed iyo Diblomaaasiyiinta kale ee ka hawl gala safaaradaasi.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay magacyadooda kala ahaayeen Xildhibaan Axmed Xasan Casoowe Xildhibaan Aadan Cismaan Xarbi Xildhibaan Cali Jaamac Cali Qaran Xildhibaan Axmed Dayib Sheekh ku Cadeeye Xildhibaan Cabdilaahi Gacmodheere iyo Guddoomiyaha Wargeysayada Dawan Media Group Maxamed Axmed Jaamac Caloolay

Sidoo kale Safaarada Somaliland ee Jabuuti ayaa toddobaadkii ugu dambeeyay ku soo dhawaysay Magaalada Jabuuti weftigii uu

weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Dr.Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale.taas oo Safaarada ka shaqaysay socdaalka ay ku yimaadeen dalkaasi.

 

 

 

 

Leave a Reply