Saraakiil Ciidanka Asluubta ah oo Xidigo Lagu Taxay

0
400

Hargeysa (Dawan)- Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), ayaa shalay dalacsiiyay afar boqol, lix iyo toban (416) ka mid ah ciidanka Asluubta ee Somaliland.

Munaasibaddii lagu dalacsiinayay ciidanka Asluubta ee Somaliland ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda ee Somaliland, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka ciidanka asluubta iyo saraakiil sare oo ka mid ah hoggaannada ciidankaasi.

Ugu horreyn, waxa halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), oo ka sheekeeyay maraaxilkii kala duwanaa ee uu ciidanku soo maray, iyo habkii ay u mareen dalacsiinta darajada ciidanka asluubta ee Somaliland, isagoo tilmaamay inay u mareen dariiq caddaalad ah oo si siman loo wada qiimeeyay ciidanka asluubta Somaliland.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta ee Somaliland Gaashaanle sare Aadan Axmed Mooge Kanadi oo isna goobta ka hadlay ayaa kula dardaarmay saraakiisha darajada qaadatay inay dalkooda iyo bulshadooda ay si caddaalad ah ugu shaqeeyaan, isla mar ahaantaana uu Alle ku asturo waajibaadka fuulay.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Md- Saleebaan Warsame Guuleed ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland Md- Muuse Biixi Cabdi ku bogaadiyey howshaasi dalacsiinta ciidanka asluubta ee Somaliland, isagoo tilmaamay in ciidamadu ay yihiin rukunnada ugu adag ee dawladdu ay ku taagan tahay.

 

 

 

 

 

Leave a Reply