Xukuumada JSL oo Gurmad Gaadhsiisay Deegaanada Biyo La’aantu Ka Jirto

0
475

 

“Waxa la diyaariyey qorshe biyo dhaamis ah oo labadii todobaadba mar biyo lagu gaadhsiinayo dadka haraadan” Wasiir Cali Marreexaan

 “Todoba iyo toban kun oo foosto ayaa todobaadkan la gaadhsiiyey bulshada harraadan”

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL, Cali Xasan Marreexaan ayaa sheegay in biyo la’aan darran ay ka jirto gobollada bari ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Cali Marreexaan ayaa sheegay in xukuumad ahaan ay gurmad biyo dhaamis ah u sameyn doonaan dadkaasi oo xaaladda adag ku jira waxana uu yidhi “guddida gurmad abaaraha ayaa diyaariyey qorshe biyo dhaamis ah oo labadii todobaadba mar la gaadhsiiyo biyo si haraadka iyo xoolaha ay wax uga taraan , todoba iyo toban kun oo foosto ayaa todobaadkan la gaadhsiiyey”

“Waxa kale oo la isugu yeedhay hay’addaha caalamiga ah ee dalka jooga, lana gaadhsiiyay baaqyo ah dhinaca biyaha iyo cuntadaba ah, dawladdaha deeq bixiyayaasha ayaanu sidoo kale la kulanay, una bandhignay wixii wax lagaga qabanlahaa, marka diyaar garow balaadhan ayaa jira, oo imika socda siina socon doona haddii ILLAAHEY yidhaaho”

Wasiirka oo la hadlay BBC ayaa sheegay in ay si degdeg ah u sameeyeen ceelal si bulshadaasi ay uga baxdo biyo la’aanta taagan, waxana uu yidhi, “Sidoo kale ceelal cusub oo deg deg ah ayaanu ka wasaarad ahaan qodnay, wax weyna ka tari doona biyo la’aanta”

 

 

Leave a Reply