Wasiirka wasaaradda macdanta oo furay shir saddex bilood leh ah.

0
331

Hargeysa (Dawan)  Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta cabdilaahi faarax cabdi ayaa maanta xarunta wasaarada ka furay shir sedex biloodle ah oo ay isagu yimaadaan masuuliyiinta wasaarada tamarta iyo shirkadaha ka shaqeeya macdanta.

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Mukhtaar Maxamed Cali oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in uu soo dhawayanayo shirkadaha macdanta ka sahqeeya ee dalka ee wada shaqaynta ay leeyihiin wasaarada waxaanu intaasi ku daray in loo baahan yahay in kor loo qaado fahamka bulshadeenu ay u leedahay macdanta dalkeena ku duugan.

Wax sidoo kale ka hadlay kulankaasi xubno ku hadlyay shirkadaha macanta ka shaqeeya ee dalka oo sheegay in ay soo dhawayanayaan kulankan iyo wada shaqaynta buuxda ee ay la leeyihiin wasaarada, iyagoo u mahad celiyay masuuliyiinta wasaarada.

Gabagabdii Wasiirka Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta Cabdilaahi Faarax Cabdi oo ka hadlay halkasi ayaa sheegay in dalkeena ay ku jirto macdanaha dhamaan aduunka laga helo, waxaanu u mahad celiyay shirkadaha macdanta ka shaqeeya ee raba in ay sahamin macdaneed ku sameeyaan dalka , isagoo u rajeeyay in natiijooyin wax ku ool ah in ay ka soo saari doonaan sahamintooda,wasiirku waxa uu guul u rajeeyay dhamaan shirkadaha macdanta iyo ganacsatda ku hawlan soo saarisa macdanta isagoo balan qaaday in wasaarad ahaan ay is garab taagi doonaan shirkadaha macdanta.

Leave a Reply