Lamaane dil loogu gaystay magaalada Laascaanood

0
457

Laascaanood (Dawan) – Dablay aan haybtooda la aqoonsan ayaa xalay dil toogasho ah lamaane is qabay ugu gaystay xaafada Farxas’kule ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Lamaanaha ayaa la sheegay in dilka loo gaystay xilli ay kusii hoyanayeen guridooda, xalay cawaysinkii.

Laamaha ammaanka gobolka Sool wali kama hadal toogashada lamaanaha loo gaystay, gudaha magaalada Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland ayaa bixisay dadaalo lagu sugayo amniga magaalada Laascaanood bilihii lasoo dhaafay, balse ilaa hadda waxa muuqata in ay wali sii socdaan dilalkii iyo amni daradii.

Leave a Reply