Garoonka  diyaaradaha ee degmada Boorama oo dhawaan Dhismihiisa la bilaabayo

0
529

Boorama (Dawan)   Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha ee degmada Boorama ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha xayndaabka garoonkaasi.

Maamuaha garoonka diyaaradaha ee degmada Boorama ee gobolka Awdal Cabdiwahaab Yuusuf Ibraahin oo la hadlayay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in qalabka garoonkaasi ay diyaar ahaayeen muddo laba sanno ah, laakiin ay hawsha dib u dhiska garoonka ay caqabad ku noqdeen dadka weli degan xayndaabka garoonka, kuwaasoo uu tilmaamay inay kusoo durkaan dhulkii uu lahaa garoonkaasi.

Maamulaha ayaa sidoo kale u jawaabay hadallo ay warbaahinta mariyeen bulsho ku hadlaysay afka dadweynaha, oo duray maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo madaarrada ee somaliland, isagoo tilmaamay in dhammaystirka garoonka diyaardaha ee degmada Boorama ee Aadan Isaaq ay carqalad ku noqotay dadka xayndaabkiisa kusoo xadgudbay, waxaana uu ugu baaqay bulshadaasi inay ka fogaadaan xayndaabka garoonka, si u dhammaystirmo dhisimihii bulshaduna u adeegsato.

Maamule ku xigeenka garoonka diyaaradaha ee degmada Boorama Faysal Maxamuud Gaafane ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay wadeen kulanno ay la yeelanayaan bulshada, isla mar ahaantaana looga fogaanayo xayndaabka garoonka, isla mar ahaantaana uu dhawaan bilaabmi doono dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Boorama ee Aadan Isaaq.

Leave a Reply