Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha Oo La Kulmay Dallada Ururrada Bulshada Rayidka

0
273

Hargeysa Dawan)- Guddida gurmadka abaaraha heer qaran oo uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan la yeeshay madax ka socotay dallada ay ku bahoobeen ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF iyo qaar kamid ah hoggaanka warbaahinta madaxa bannaan iyo midda dawliga ah maalintii shalay.

Kulankan oo nuxurkiisu ahaa sidii ay guddida gurmadka abaaraha iyo ururrada aan dawliga ahayni isaga xogwaraysan lahaayeen heerka abaarta iyo dedaalka ay guddidu illaa haatan ka samaysay sidii loogu gurman lahaa deegaannada abaartu saamaysay, loona samayn lahaa qorshe cad oo loo raaco tallaabo kasta oo gurmad ah, ayaa kusoo dhammaaday jawi wada-shaqayneed iyo isfaham labada dhinac ah.

Ugu horrayn qaar kamid ah xubnaha guddida abaaraha heer qaran oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay guddi ahaan qiimeeyeen heerka ay abaartu gaadhsiisan tahay, islamarkaana ay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo ururradaba looga baahan yahay inay guddida kala shaqeeyaan sidii dadka iyo duunyada tabaalaysan loogu gurman lahaa, warbaahintuna ay qaybteeda u qaadan lahayd.

Xubno ku hadlay magaca dallada SONSAF iyo warbaahinta madaxa bannaan, ayaa iyaguna hoosta ka xarriiqay inay diyaar u yihiin inay qaybtooda ka qaataan gurmadka dadkooda loo samaynayo, iyaga oo warbaahintuna caddeeyey inay diyaarinayaan warbiximo si cad usoo bandhigay baaxadda abaarta.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida abaaraha heer qaran, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaas ka hadlay, ayaa u mahadnaqay xubnihii kulanka ku sugnaa, kuwaas oo muujiyey waddaniyad iyo lexejeclo ay u qabaan dadkooda abaaruhu ku habsadeen.

Waxa uu ku amaanay sida ay u waafaqeen qorshaha guddida ee hogaaminaya gurmadka abaaraha “waxaynu isugu nimi dhibaatada abaaraha saameynteeda gaar ahaan gobolada bariga siday isaga kaashan lahayn ee aynu u wada ogaan lahayn xukuumadda oo waajib ka saaran yahay wixii ay qabatay. xukuumaddu waxay qabatay in guddi heer qaran ah loo magacaabay hawsha, in daraasad lagu sameeyey xaalada abaarta, xogtaasoo la gaadhsiiyey cid kasta oo wax ka qaban karaysa iyo in wixii la gaadhsiin karayey deegaamada la gaadhsiiyey”

sidaas awgeed xogtii waad haysaan waxaan doonaynaa inaynu meel ka wada duulno oo innagoo mid ah gurmadka samayno. hawshu iminka meel fiicanbay maraysaa, iyadoo xukuumaddu qaybta ugu weyn qaadatay, Hay’addaha samofalkana waan sugaynaa codsigii xukuumaddu u gudbisay jawaabtooda”

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu wakiillada ururrada bulshada ku booriyey in laysla jaanqaado oo gurmadka la fidinayaa uu noqdo mid midaysan “aadbaan ugu faraxsanahay in aad nala qaadateen in laysla jaanqaado oo cid kasta oo wax la soo mariyaa la socodsiiso meeshay wax ka qabanayso xafiiska ka hortagga aafooyinka ee NEFOD”ayuu yidhi

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo kula taliyey bulshada qaybaheeda inay ka qayb-qaataan gurmadka abaartan.

 

 

Leave a Reply