Caymiska Gaadiidka oo La Daahfuray

0
211

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka daahfurtay caymiska gaadiidka dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka, Saleeban Cawad Cali (Bukhaari), ayaa bulshada ugu baaqay in ay caymiska adeegsadaan islamarkaana ay ka shaqayn doonan danaha gaadiidlayda la cayminaayo.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyada Dr Sacad Cali Shirre ayaa sheegay in ha’yadda caymiska looga baahan adeeg hufan, gaadiidlaydana looga baahan yahay in ay markasta baabuurtooda caymiyaan , waxanu darawalada ugu baaqay in ay taxadar badan muuhiyaan .

Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed (Ataash) ayaa sheegay in gaadiidka aan haysan warqada badqabka aa la caymin doonin, waxaanu gaadiidlayda ugu baaqay in ay qaatan warqada badqabka gaadiidka.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiillada JSL ayaa sheegay sheegay in golahaas la horgayn doono xeerka caymiska qaranka , waxana uu yidhi “annagu ka gole ahaan muddadii aanu joognay waxa aanu ansixinay guddoomiyaha iyo ku xigeenka ha’yadda caymiska, sida oo kale waxa aanu hadda diyaarinaynaa in golaha la horkeeno xeerka caymiska qaranka”

 

Leave a Reply